Miisas Ka Duwan Miisaantaynu Hadda Isticmaalo Oo Sannadkan Suuqyadda Caalamka Soo Gelaaya

0
635

Shirkaddaha waaweyn ee Technology-ga ka shaqeeya ayaa sannadkii ina dhaafay ku hawlanaa sidii ay usoo saari lahaayeen waxyaalo cusub, iyaga oo soo saaray Miisaan ka duwan kuwii hore loo isticmaali jiray, waxaana kamid Coosno oo ah miis loogu talo galay shaaha, waxaana lagu magacaabaa Miiska Mustaqbalka, waxa uu miiskani yahay sidoo kale talaagad, waxaanu sharaabyada  lagu rido ku hayn karaa qabow, iyada oo qofku agtiisa dhiganaayo.

Waxa uu Miiskani sidoo kale ku shaqaynayaa Codka qofka isticmaalaaya, iyada oo uu ku xidhan yahay Barnaamijka shirkadda Google ee codku.

Waxa sidoo kale ku xidhan Sameecaddo , iyada oo uu u shaqaynaayo Nidaam ahaan hab Wireless ah, waxaana si fudud qofka maamulayaa uga maamuli karaa Mobile-kiisa gacanta, isaga oo ku shubanaaya Barnaamij u gaar ah,sidoo kalena sameecaddaha ku xidhan ayaa ah kuwo lagu dhegaysan karo Music-ga uu qofku u baahdo.

Muraayadda miiskan ku xidhan ama dusha ka saaran ayaa iyaduna ah mid awood u leh in uu qofku ku dabaysan karo Mobile-kiisa gacanta, waxa kale oo uu si dhib yar ugu dabaysan karaa Computer-kiisa Laptop-ka ah,waxaanu miiskani noqday mid aan qaban oo keliyaata shaqada gudihiisa looga baahan yahay ee qabta shaqooyin dheeri ah oo dushiisa si fudud loogu qaban karo.

Sidoo kale waxa isna lasoo saaray sannadkii ina dhaafay Miis kale oo lagu magacaabo Sobro, kaas oo u shaqaynaaya habka sariirta oo kale, looguna talo galay in la ag dhigo Sariirta, iyada oo lagu guraayo alaabooyin kala duwan oo uu qofku habeenkii si fudud ugala bixi karo , markasta oo uu hurdada kasoo kaco.

Sobro waa miis aad u yar, laakiin qabanaaya shaqooyin badan oo aanay miisaanta qaarkood qaban Karin,waxaanu lee yahay qayb talaagad ah oo lagu qaboojin karo cabitaanada, iyo qayb kale oo lagu guran karo buuggaagta, waxa kale oo loo adeegsan karaa Laydh ahaan, iyada oo uu dhinaca dambe ka shidaayo Laydh cadaan ah , waxaana laydhkaas loogu talo galay xiliyada Hurdada in la shito, isaga oo ka iftiin yar laydhka qolalka Guryaha laga soo lulo, waxa kale oo uu Laydhkaasi qayb weyn ka qaadan karaa in u qofku hurdada ka kaco goor hore.

Miiskan Sobro waxa uu ku shaqeeyaa Hab Bluetooth ah , iyada oo lagu hagaayo Barnaamij u gaar ah oo lagu shubanaayo Mobile-ka gacanta, waxa uu sidoo kale awood u lee yahay in uu Jaajar gareeyo Mobile-ka gacanta , iyada oo la dul dhigaayo Miiskaas Mobile-ka, iyada oo Jaajarkiisa la gelinaayo, waxa sidoo kale lagu jaajar garayn karaa Laptops-ka Computers-ka loo yaqaano, waxaanu markeliyaata wada jaajar garayn karaa waxyaalo kala duwan.

Shirkadda Edion ayaa iyaduna soo saartay sannadkii ina dhaafay ee 2019-kii miis weyn oo dadka jecel ciyaaraha Electronics-ka ah ka caawinaaya in ay si fudud u ciyaaraan ciyaartay u baahdaan, iyaga oo miiskan dul fadhiisanaaya kuna ciyaaraaya, waxaanu u samaysan yahay Miiskani hab Screen Touch ah ama waa mid taabasho ku shaqaynaaya.

Shaashada Miiskani wato ayaa ah mid kala duwan, iyada oo ay ka siman yihiin in Shaashadahani yihiin 4K,waxa ay sidoo kale ka siman yihiin habka loogu ciyaaraayo, habka ay muuqaalada usoo gudbinayaan  iyo habka ay Khariiradaha usoo bandhigayaan, iyada oo shirkaddaasi soo saartay miisaan xajmi ahaan kala yar, waxaana halka miis wada isticmaali kara dhawr qof  oo kala duwan.

Miiskii ugu dambeeyey ee ay shirkaddaha caalamku soo saareen ayaa ahaa Buluumig Tables, waana miis ka duwan miisaantii aynu hore usoo aragnay, waa Miis loogu talo galay in wax lagu beero, waxa sidoo kale qaarkood ku jira dhir samays ah oo aad u qurux badan, taas oo indhaha dadka soo jiidanaysa.

Waxa Miiskan loo sameeyey hab aad soo jiidasho u leh, iyada oo loo qaybiyey afar lakab oo kala duwan, lakabyadaas  oo mid kamid ah wax lagu beeran karo, inta kalena qurxinta iyo falaadhaha cad ceeda helitaankooda ay ka caawinayso, waxa sidoo kale qaybta Beerashada lagu beeri karaa dhir kala duwan, iyada oo Siidh iyo dhir caadiyaba la isticmaalaayo, waxaanay dhirta lagu beeraa ugu baxaysaa hab aad u qurux badan.

Technology-ga ayaa wax kasta ka dhigay mid aan xaaladiisii loogu iman, iyada oo khubarrada kala duwan ee arrimahan ka shaqeeyaa goor kasta ka shaqeeyaan qaabaynta soo saarida waxyaalo cusub oo ay caalamka kusoo kordhiyaan, iyaga oo aad yar aad yar usoo kordhinaaya, waxa ay sidoo kale guryaheena ka dhigeen kuwo si yar oo fudud isu bedela.

Leave a Reply