Khadar.M.Dhako.
Hargaysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa hadlay muhiimadda uu u leeyahay Ciidamada Qaranka xeerka hawlgabka iyo Xaqsiinta Ciidamada Qaranka kaas oo hore uu u ansixiyay Golaha Wakiilada Somaliland.
Waxaa kale oo u wasiirka difaaca Somalland uu ka hadlay wajibaadka ciidanka qaranka Somaliland iyo sidy kaalintoodii uga soo bexeen ee waliba ay u yihiin xilli kasta heegan qaranka ka jira cadaw kasta oo isku daya in uu Somaliland waxyeello u geysto.
Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo hadal ka jeediyay Munaasibadda 26 guurada ka soo wareegtay aaasaaska ciidanka qaranka Somliland oo Shalay lagu qabtay Taliska guud ee Ciidanka Qaranka
ayaa ugu horrayn ka hadlay waajibaadka ciidanka qaranku u aasaasan yahay,waxaanu yidhi. “Ciidamada Qaranku waxay Astaan u yihiin Midnimada Qaranka Somaliland oo ka turjumaysa dhammaan umadda Somaliland,Ciidamada Qaranku waxay leeyihiin mabaadii iyo Waajibaad Qaran waxaanu u xil saaranyahay difaaca iyo Madaxbanaanida dalka Somaliland.Ciidamada Qaranku waxa ay u Hogaansamaan oo ay tix geliyaan Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaala,”.
Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “Waxa wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Ciidamada Qaranka,waxaanu xeerkaasi suurta gelinayaa in Ciidamada Qaranka iyo Saraakiishooda muddada dheer usoo shaqeeyay dalka in ay helaan Xaqsiin ay mudan yihiin, waxa kale oo tani fursad noo siinaysaa in Ciidamada kala duwan ee dalka Somaliland in ay ku soo biiraan Dhallinyaro Wadankooda u adeega.Wasaarada Gaashaandhiga iyo Ciidamada Qaranku waxaay xaqiijiyeen Qorshaha Qaranka ee labaad Barnaamijka Shaqo Qaran kaas oo cid waliba mahadisay.”.