Dawladda Somaliland oo Shaacisay laba qof oo laga helay Cudurka Covid-19

0
6610

HARGEYSA-  Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cumar Cali Cabdilaahi (Badde), ayaa xaqiijiyey in laba qof oo qaba Xanuunka COVID-19 ay ku sugan yihiin gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Laba qof ayaa kala ah muwaadin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska kaasi oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer , halka qofka labaad eel aga helay helay caabuqa COVID-19  uu yahay muwaadin Shisheeyey oo kasoo jeeda dalka Shiinaha oo ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil .

 

Labadan qof ayaa ka mid ahaa Saddexdii qof ee wasaarada caafimaadku karantimeysa kuwaas oo dheecaankooda baadhis loogu diray dalka dibadiisa.

Leave a Reply