Dawladda Soomaaliya oo Qirtay in aanay Maamulin Hawada Somaliland

0
658

Muqdisho – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diyaaradda Ethiopian Airlines safarrada ay ku timaaddo Magaalada Hargeysa iyaga wax fasax ah uga haysanin.

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) ayaa kiis gaar ah ku tilmaamay Safarrada ay Diyaaradda Ethiopian Airlines ku timaaddo magaalada Hargeysa. “Ogolaansho aan siinay diyaaradda Ethiopian Airlines ma jirto, ku meel gaadh ama fasax caadi ah toona.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Ethiopian Airlines hadda waxay ka degtaa Hargeysa, balse waxay keentaa dad Soomaali ah, sida aad ogtihiina qofkii ka yimaadda dalka dibediisa 14 maalin oo karaantiil ah ayaa la geliyaa, marka safarrada diyaaraddaas waa xaalad gooni ah.”

Hadalka Wasiir Oomaar ayaa meesha ka saaray warar sheegayey in dawladda Soomaaliya ay maamusha hawada Jamhuuriyadda Somaliland , islamarkaana ay joojisay diyaaradaha dalka imanaaya.

Dawannews.com

Leave a Reply