Duqa Degmadda Borama oo Bulshada u Diray Fariin Mihiima

0
1073

Borama (Dawan) Duqa magaalada Borama mudane Saleebaan Xasan Xadi  ayaa bulsha weynta magaalada Borama, ugu baaqay  inay ka waantoobaan xashiishka lagu qubo goobaha iliiladaha ah ee wadooyinka dhexmara magaalada ka duwa biyagha.

Waxaa uu duqu sidan ka sheegay mar uu kormeer ku tagay dib u habeyn lagu waddo mid ka mida jidadka halbowlaha u ah isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee magaaladdaasi,.

Duqa magaalada Borama mudane Saleebaan Xasan Xadi  ayaa bulsha weynta magaalada Borama isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Goobtani aan taaganahay waa mid ka mida labada waddo ee halbowlaha u ah magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, waana mid isku xidha xaafadda Faaraxyood iyo gudaha magaalada, waana waddo dhab ahaantii halbowleh u ah isu-socodka magaalada waxaanu ka soo bilaabmay Bacadlihii, waana mid ay bulshadda magaalada Borama aad ugu farxeen markii ay arkeen, waxaan leeyahay ILLAAHEY si dhib yar heynoogu dhammeeyo.

Waad aragtaan sida maalinba maalinta ka danbeysa uu isu soo tarayo waxqabadka ka socda degmaddu, bulshadana waxaan leeyahay sidaad uga qayb qaadateen aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, in aynu wadada ilaashano, oo meelaha biya mareenada ah ee wadadu leedahay aynu ka dayno xashiishka aynu dhigeyno

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply