Gabadh Yar Oo Hore Looga Daweeyey Xanuunka Korona Oo Markale Lagu Arkay.

0
477

Gabadh yar oo u dhalatay wadanka Japan, isla markaana jirtay muddo yar oo bilo ah ayaa markii ugu horeysay laga daweeyey xanuunka Korona Fayras, iyada  oo baadhitaano lagu sameeyey lagu ogaadey in aanu xanuunkaasi ku jirin jidhkeeda.

Gabadh yar ayaa baadhitaan dambe oo  lagu sameeyey lagu ogaadey in uu markale xanuunkaasi kusoo noqday , sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan, waxaana gabadh yar  loo gubdiyey qaybta gargaarka deg dega ah ee cisbitaalka Yamanashi University Hospital.

Waalidka dhalay gabadhan yar ayaa sheegay in aanay jirin wax xanuuno ah oo ay iyagu hore u lahaayeen, waxaanay tilmaameen in waqtigan ay gabadhan yar xaaladeedu tahay mid aad usii adkaanaysa, iyada oo ay ku adkaatay Neeftu.

Masuuliyiinta dawladda hoose ee Tokyo ayaa sheegay in ay baadhitaan ku samaynayaan sida uu markii hore xanuunkani ugu dhacay gabadhan yar ee dhawrka Bilood jirtay, madaama oo aanay waalidiinteedu xanuunkan qabin iyo sababta keentay in uu kusoo noqdo, kadib markii laga daweeyey.

Leave a Reply