Rasuulka Allah (scw) sida laga weriyay waxa uu arkay nin garaacaya shaqaalihiisa oo la odhan jiray Aba- mascuud. Ka dibna Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi “Waxaad ogataa abu- Mascuudow awoodda Ilaahay inay ka badan tahay awoodaada”.
Waxa kale oo Rasuulku (scw) xadiis ku yidhi “ Ninka wax la cuna shaqaalihiisa ee dameerkiisa ku fuula suuqyada dhexdooda, neefkiisa adhiga ahna maala ismuu kibrinin, ismana weynayn” Waxa weriya Imaam Muslim.
Xadiis Al Qudsi wuxu Rasuulka Allah (scw) ku yidhi “sadddex qof anigaa la doodaya maalinta Qiyaamaha waxaana ka mid ah nin kiraystay qof shaqaale ah shaqadiina ka dhamaystay oo aan mushqaayadiisana siin”. Werin : (Imam Bukhaari)
Xanuunada Ruuxada ku dhaca way badan yihiin waxaana ka mid ah istusnimada iyo inuu qofku jeclaado inuu caan noqdo amaanta jeclaado. Rasuulka Allah (scw) ayaa yidhi “ Camalka yar ee istuska ahi waa sharki, kan colaadinaya Awliyada Allah wuxu Allah (sw) ugu soo banbaxay dagaal. Allaha wuxu jecel yahay kuwa…
Rasuulka Allah (scw) wuxu ahaa mid aad u naxriis badan waxaana uu ku yidhi Xadiis “ Kuwa naxariista , raxmaanka ayaa u Naxariista” Rasuulku (scw) dhib badan ayuu kala kulmay Maka iyo gaaladii deganayd, ka dibna wuu iskaga tegay isagoo magalada Daa’if u baxay, oo uu rabay inay taageeraan risaalada…