Ramadaan: Bisha Denbi Dhaafka Iyo Naxariista

0
532

Bisha Khayrka badan ee Ramadaan aynu ku qaabilo faraxd iyo mahadnaq Allah (sw) ina gaadhsiiyay.
Rasuulka Allah (scw) wuu ugu bushaarayn jiray saxaabadiisa bilashada Ramadaanka.  Waxayna ku camari jireen cibaado badan. Imaamu Dabari, wuxu yidhi :  Rasuulku (scw) ahaa markay soo gasho bisha Rajab wuxu odhan jiray “Allaw noo barakee bisha Rajab iyo Shacbaan, waxaadna na gaadhsiisaa Ramadaan-ka”.
Caa’isha (Rc)  waxay tidhi :” Rasuulka Allah dadaalka Cibaadada wuu si laban laabi jiray bisha Ramadaanka “
Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad,  ka werinayo Abuu Hureyra (Rc) wuxuu ku yidhi:” Rasuulka Allah ayaa yidhi : ”  Waxaa idiin yimid bishii Ramadaan, wuxuu Allah (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xidhaa albaabada Naarta, waxaa la xidhaa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeen.  Ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”.
Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyrkeeda.  Waana bil ducada adoonka wanaagsan Allah aqblo.
Rasuulka Allah (scw) wuxuu xadiis ku yidhi “Seddex ducadooda lama celiyo, qofka sooman ilaa inta  uu ka afuro, madaxweynaha caadilka ah iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa”. Imaam Axmed
Dadka hantida haysta waxa u wanaagsan inay ku dadaalan inay caawiyaan dadka saboolka ah ee baahan, oo ay afuriyaan dadka sooman. Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi:” Qofkii afuriya qof sooman wuxu leeyahay abaalka kan sooman, iyadoo kii soomanaana aan waxba laga jarayn”. Soonku wuxu qofku ka dhaxlaa janada.
 
Dadka soomani waxay leeyihiin albaab Jannada ka mid ah, oo layidhaahdo “Rayaan”, albaabkaa iyaga oo kaliya ayaa loo sii hayaa, cid kalena ka gali mayso, sida ku xusanba xadiis ay Bukhaari iyo Muslim wada wariyeen.
 

Leave a Reply