Dowlada Somaliland oo Wada Qorshe ay ku Dhameystirayso Barnaamijka Wax-ka-baro Tv-ga Qaranka iyo Radio Hargaysa

0
1144

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa wada qorshe ah sidii dhammaan ardayda dugsiyada hoose dhexe iyo sare ay u heli lahaayeen waxbarasho dhammeystiran, oo la xidhiidha barnaamijka wax-ka-baro Tv-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa.

Inta xannuunkan Covid-19 ku soo biiray caalamka waxaa Somaliland warbaahinta dawlada ee Idaacada iyo Tv-yada wax ka baranayay kaliya ardayda fasalada sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalada afraad ee dugsiyadda sare, kuwaasi oo imika iyagu aqoontii ay halkaasi ka qaateen ay noqotay mid ay ugu diyaar garoobayaan inay u fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ah.

Hadaba wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo kormeeray barnaamijka wax ka baro Tv-ga Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu kordhinayo xiisadaha warbaahinta dawladda la marinayo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa daboolka ka qaaday in la wado qorshihii lagu dhammeystirilaha xiisaha kala duwan ee ay bartaan ardayda dugsiyadda dalku “Sida hada wasiirka iyo wasaaradda waxbarashadu hada qorsheynayaan anaguna aanu kala dhinac shaqeynayno ay tahay in lagu jiro abaabul ah in dhammaanba la sii daayo fasalada oo dhan, wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska oo kaashanaysa wasaaradda warfaafinta.
Dhab ahaantii markii hore waxaa la moodayay arrin adag laakiin waxaa aad mooda arrin lagu guuleysan karro, oo mararka qaar wax badan loo isticmaali karo hadii xitaa xannuunkan Covid-19 ina dhaafo”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) in barnaamijka wax-ka-baro Tv-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa uu guulleystay “Barnaamijkani sidii hore lagu bilaabay iyo qiimaha uu hada yeeshay aad iyo aad ayay u kala fog yihiin, berrigii hore waa ay nala yara adkeyd aad ayaan ugu faraxsanahay inuu hirgalay, islamarkaana ay qaada dhigayeen idaacadaha waa weyn ee caalamku, sida BBC iyo CNN, barnaamijkana waa mid ay inagaga daydeen wadamo badan oo Geeska Afrika ahi”

Leave a Reply