Xukuumadda oo ku Hanjabtay in talaabo laga qaado cida ka hor timaada amarrada Dawladda

0
485

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa digniin adag u diray qaar kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo Arday tiro badan iskuullada ugu yeedhay, isaga oo tilmaamay inay arrintaasi tahay Aafo lagu sadhaynayo bad-qabka iyo caafimaadka bulshada,“Qodob kale oo shalay dhacay oo qalad ah baa jira, tallaabo sharci ahna laga qaadayo, dugsiyadii gaarka loo lahaa qaar kamid ahi iyada oo aan wasaaraddii u oggolaan oo immika imtixaan la geli maayo oo dadka la isugu yeedhi maayo taagan tahay, ayey carruurtii isugu yeedheen oo yidhaahdeen imtixaan baad gelaysaan oo 60 (lixdan) carruur ah meel wada fadhiisiyeen, carruurta ma wax bay barayeen oo aqoon bay u dirayeen mise way laynayeen, dadka miyey aafaynayeen, caqliyaddaasi maxay tahay,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in cid kasta oo talo dhakhtar kasoo baxday la’aanteed Arday ama cid kale meel isugu keentaa la mid tahay kuwa soo waaridaya qaadka sharci-darrada ah ee la mamnuucay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ardayda meel la isuguma keenayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, dadka meel laguma ururinayo dhakhtarrada oo fasaxa mooyaane, qofkii sidaas sameeyaana waxa uu lamid yahay ka qaadka la joojiyey keena oo kale ee sharciga jabiyey, qofkii sharciga jabiyana tallaabaa laga qaadayaa.”

Leave a Reply