Dalka Argentine Oo Laga Helay Lafo Diinaasoor.

0
788

Cilmibaadhis ay sameeyeen dhowaan khubarro ka socotay jaamacadda Matanza  oo ku taalla  dalka Argentine  ayaa lagu helay, laguna soo bandhigay lafo kuwa xayawaanka Dinosoorta ah, kuwaas oo dhererkoodu dhan tahay toban Meter, sida ay khubarrada hogaaminaysay kooxda Baadhitaankan waday ay sheegeen.

Diinasoorta ay lafaheeda heleen ayay nooceeda ku sheegeen  Megaraptor nooca loo yaqaano, waxaanay ku aasnayd goobo kaymo ay oo ku yaalla wadanka Argentine , waxaana goobahaas hore looga helay xayawaano kale oo in muddo ah la baadhaayey lafahooda.

Kooxdan oo ay kamid ahaayeen koox khubarro ah oo iyaguna ka socday Masxafka weyn ee  Qaranka Argentine  ( Argentine National Museum of Natural Science )  oo qayb ka ahaa kooxahan baadhitaanka samaynaayey ayaa tilmaamay in lafahan ay heleen ay noolaayeen waqti hadda laga joogo 70 Milyan oo sanno ka hor, waxaanay sheegeen in xayawaankani ku noolaayeen Koonfur Bari wadankaasi, gaar ahaana gobolka  Santa Cruz.

Lafahan ay khubarradani heeleen ayaa isugu jira Laf dhabarta xayawaankaasi, Feedhaha iyo qaybo kamid ah labada garab ee xayawaankaasi, sida ay khubarradani ku sheegeen qoraal kooban oo ay ku qoreen wargeyska The Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan.

“ waxaanu helay qayb weyn oo kamid ah xayawaanka Dinasoorta, waana nooca loo yaqaanay Megaraptor, waxa uu noocani ahaa mid cuna Hilibka”. Ayuu yidhi Mauro Aranciagi oo ah madaxa kooxdan.

Noocan Dinasoorta kamidka ahayd waxa ay ahayd nooc dib dheer leh, sidoo kalena aad u qaro weynayd, waxaanay caan ku ahayd in  ay si fudud u ugaadhsato nooleyaasha kale, waxa ay sidoo kale ugaadhsan jirtay noocyadda kale ee Dinasoorta, waxaanay sababtu ahayd iyada oo aad uga xoog weynayd noocyadda kale ,uga lugo dhaadheerayd, muruqyo adag lahayd, taas oo ka caawin jirtay in ay si fudud u eryato una cunto noocyadda kale ee Dinasoorta.

Leave a Reply