Khubarrada Caafimaadka Kanada Oo Shiinaha Ka Caawinaaya Soo Saarida Talaalka Xanuunka Covid-19.

0
751

Khubarrada shirkadda Canadian National Research Council (NRC) ayaa soo gebo gebeeyey heshiis ay iskaga kaashanayaan khubarro ka socotay Shirkaddaha Dawooyinka soo saara ee Shiinaha  sidii loo soo saari lahaa Talaal loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19.

Talaalkan oo lagu magacaabo Ad5-nCov ayuu hore u sameeyey  CanSino Biologics oo ah shirkad laga lee yahay wadanka Shiinaha ,kuna taalla magaaladda caasimadda ah ee Beijing , waxa sidoo kale qayb weyn ka qaata soo saarista talaalkan shirkadda Beijing Institute of Biotechnology, taas oo qayb ka ah shirkad uu maamul Military Shiinuhu oo lagu magacaabo Chinese Academy of Military Medical Science , waxaanu galay  talaalkani qaybti kowaad ee samayskiisa  bishii March badhtamaheedii, iyada oo la rajaynaayo in qaybaha hadhay lagu dhamaystiro wadanka Kanada oo lagu tijaabinaayo.

Shirkaddan reer Kanada iyo dawladda dalkaasi  ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan iyaga iyo  shirkadda Shiinaha ee CanSino sidii loo horumarin lahaa, loona dhamayn lahaa dawadan ama talaalkan loogu talo galay xanuunka Corona Virus, waxaanay tilmaameen in ay ka dhigayaan talaal hirgala, isla markaana badbaadiya dad badan, waxaanu waqtigan geli doonaa talaalkani sida khubarrada labada shirkaddood sheegeen wejigii labaad ee samayntiisa , waxaana lagu tijaabin doonaa marka la dhamaystiro xayawaano kala duwan, ugu dambayn dad ayaa lagu tijaabin doonaa.

Doorka ay shirkaddahan reer Kanada ku lee yihiin samaynta Talaalkan ayaa ah soo saaristiisa ugu dambaysa iyo sidoo kalena ku tijaabinta dadka la doonayo in lagu tijaabiyo.

Guddoomiye ku xigeenka  shirkadda NRC  Roman Zomsky oo ka hadlay dawadan ay soo wada saarayaan shirkadda CanSino ee Shiinaha  ayaa sheegay in ay ka wada shaqaynayaan labada shirkaddood sidii ay usoo wada saari lahaayeen dawo tayo leh, isla markaana  amaan ah ,taas  dadka ka badbaadin karta xaaladda ay maanta ku jiraan.

Sida lagu daabacay wargeyska New York Times oo u qormadan wargeyska Dawan kasoo xigtay  ayaa  hore ugu guulaystay in uu soo saaro talaalkii xanuunka Ebola lagula dagaalamay, kaas oo  dad badan oo reer Congo ah ka badbaadiyey dhibaatada xanuunkaasi .

Leave a Reply