Shirkadda AirBus Oo Soo Saartay Diyaaradii Ugu Weynayd Ee Sannadkan Lasoo Saaro.

0
711

shirkadda Airbus  ayaa soo saartay diyaarad nooceedu cusub yahay ,diyaaraddaas oo lagu magacaabo  Belloga .

Sannado badan oo ay shirkaddu waday badhitaano ay ku baadhaysay sidii ay u ikhtiraaci lahayd, una soo saari lahayd diyaarad ka duwan diyaaradahan ay waqtigan soo saarto , waxa ay ku dhawaaqday shirkadda Airbus in diyaaraddeedan cusub ay u qaabilsanaan doonto qaaditaanka xamuulka hawada sare la mariyo ee wadamada kala duwan la geeyo, iyada oo diyaaradda Belloga XL ay shaqadeeda bilawday bishii hore dabayaqadeedii, iyada oo shaqadaasi tijaabo noqon doonta, iyada oo lagu shaaciyey qaybo badan oo warbaahinta ka mid ah wararkooda, iyada oo la eegaayo  inta ay xajmi ahaan le’eg tahay, sifooyinkeeda iyo qaabka ay u samaysan tahay.

Diyaaraddan ayaa loo sameeyey habka Xuudka oo kale , waxaanay awood u lee dahay in ay qaado rarka ugu badan iyo qalabyadda waaweyn ee ay Maraakiibtu qaado caalamka, waxaana si fudud loo gelin karaa , loogana saari karaa diyaaraddan alaabooyinka waaweyn ee aanay qaadi Karin gaadiidku, waxaanu dherarka diyaaraddan Belloga Xl noqonayaa saddex dabaq oo kala sareeya, waxaanu dhererkeedu gaadhayaa 63 meter, iyada oo alaabooyinka ay qaadi kartaana ay noqon karaan ilaa 8 meter alaab ah.

Habkan la yaabka leh ee loo sameeyey shirkadda Ballooga Xl waxa uu  u saamaxayaa in ay hawada u dhex gooshto hab fudud, iyada oo xawaare sare ku socota, iyada oo lagu kordhiyey diyaaraddan laba baal oo xaga dambe loogu sameeyey , kuwaas oo loogu talo galay in ay u fududeeyaan in ay si  xawli ah u dhex marto hawada sare , waxaanay diyaaraddani martay 200 oo duulimaad oo tijaabo ah ka hor inta aanay suuqyadda soo gelin.

Badeecadaha ay qaadi karto diyaaraddani ayaa gaadhi kara, kana badan kara 51 Tan oo badeecado kala duwan ah, waxaanay shirkaddu tilmaantay in ay diyaaraddan ugu bixisay Ballooga si ay u qaado waxyaalaha ay u baahdaan diyaaraddaha Airbus iyo waxyaalaha ay qaadi kari waayaan ee badeecado ah, iyada oo geynaysa goobaha diyaaraddaha shirkaddan lagu sameeyo  oo ay kamid tahay magaaladda Hamboog, laakiin ma jiro wax diidaaya in ay dalalka kale geysto badeecaddaha kale ee kala duwan noocay doonaan ha ahaadaan ee.

Diyaaradda ayay  u suurto gelisay inay si fudud u duusho labadeeda Marawaxadood ee ku xidhan, kuwaas oo u fududaynaaya diyaaradda sidan u weyn in ay duulimaadyo kala duwan samayso, waxaanay awooda Mashiinadda iyo marawaxadaha diyaaraddan ku xidhani gaadhaysaa ilaa 72 Horse Power.

 

 

 

 

 

Leave a Reply