“Ma jiro kiis la xidhiidha Covid19 ah oo laga helay Gobolka Sool” Isuduwaha W.H.C Gobolka Soo

0
468

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool, ayaa sheegay in aanay haba-yaraatee jirin wax kiis ah oo la xidhiidha cudurka Corona Virus oo laga helay gobolka, wasaaradduna heegan ugu jirto la socodka xaaladaha cudurkaasi.
Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif oo daba socda qoraallo been abuur ah oo ay dad aan ehel u ahayn arrimaha caafimaadku ku baahiyeen baraha bulshada, ayaa sheegay in uu jiray qof Cisbitaal gaar loo leeyahay u soo gudbiyey, kaddib markii laga shakiyey, kaasoo la dhigay xarunta loo diyaariyey daaweynta Covid19, isla markaana xannuunkiisu la xidhiidho cuduro kale.
Dr. Khaliif ayaa sidaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu ku baahiyey bar uu xafiiskiisu ku leeyahay baraha bulshada.
Waxaanu yidhi “ma jiro wax Kiis ah oo laga helay gobolka sool xalay(habeen hore) baaro 1:30 am ayaa maamulka cisbitaalka gargaar ay u soo gudbiyeen teamka RRT ee gobolka sool inay hayaan bukaan ay ka shakiyeen.
Bukaankaas waxaa lagu dabiibayaa xarunta Daaweynta (treatment center) laascaanood.

Dhakhaatiirta la tacaalaysa bukaankan waxay xaqiijiyeen in bukaanka sonkortiisu dhacsantahay baadhitaana u socdo xaaladiisuna aad u wangsantahay.”
Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadku, waxa uu dadka baraha bulshada wax ku qora uga digay in ay shacabka manjaro-habaabiyaan, isagoo dadweynaha ku booriyey in aanay ku jaha-wareerin wararka been abuurka ah ee ay fidiyaan dadka aan xilkaska ahayni, wixii xog iyo xaqiiqo ah ee dhanka caafimaadka ku saabsana uga marti-noqdaan Wasaaradda Caafimaadka ee heer Gobol iyo heer qaran.
“Waxa mar labaad iyo mar sadexaadba aan uga nasteexaynayaa bulshada reer sool inay joojiyaan qoraalada aan xaqiiqda ku qotomin oo cid aan ahayn wasarada horumarinta caafimadka aanay shaacin karin ama xogtiisa daabici karin kumana jirto sharciga iyo xuquuqda bukaanka ee fadlan hala dhawro.

Bulshada gobolka sool waxaan kaloo u sheegayaa wax waliba oo aad ku aragtaan baraha bulshada yaan loo qaadan run wixii jira dhanka caafimaadka waxaad saacad walba kala soconaysaan wasarada caafimadka ee heer gobol iyo heer qaran” ayuu yidhi Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Gobolka Sool Dr. Maxamud Xaaji khalif.

Leave a Reply