“Waa nasiib darro in Soomaaliya ay isku sawirraan diyaarradahaasi aanay ogayn meesha ay ka yimaadeen mana”…

0
461

Hargaysa (Dawan): Somaliland ayaa ku gacan-saydhay laba diyaaradood oo la doonayay in lagu buufiyo Ayax ka dilaacay deegaamo ka tirsan Somaliland oo  hay’adda FOA u soo marisay Somaliland hay’adda USAID ee Maraykanka.

Labadaas diyaarradood oo Khamiistii lagu wareejiyay dawladda Soomaaliya oo sheegtay in ay diyaarradahaasi Ayax buufin ka samayn doonaan deegaamadda Somaliland ee Ayaxu ka dilaacay.

Iyadoo ay dawladda Soomaaliya sheegtay markii ay hay’adda USAID kala wareegayeen in labadaas diyaarradood ay iyagu ugu deeqeen Somaliland.

Hase yeeshee wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa ayaa beeniyay sheegashadda Soomaaliya ee ah in iyagu ay ku soo caawiyeen Somaliland labadaas diyaarradood.

Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in ay hay’adda USAID muddo ka wada shaqaynayeen sidii ay ugu caawin lahayd Somaliland helitaanka diyaarrado lagu buufiyo Ayaxa, isla markaana ay hay’adda USAID u soo korisay laba diyaarradood, una soo marisay hay’adda FOA.

Wasiirka beeraha Somaliland ayaa cadeeyay in aanay marnaba aqbalaynin in diyaarrado Ayaxa buufiya oo ka yimaadda Muqdisho aanay iman Karin Somaliland, isla markaana aanay damaanad qaadi doonin amaankoodda iyo wixii dhibaato ah ee ku yimaadda.

Geesta kale wasiir Seed, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dawladda Muqdisho inta ay Boodhadh sameeyeen ay yidhaahdaan diyaarrado Ayaxa ka buufiya ayaan u diraynaa maamul goboleedda Puntland, Galmudug oo Somaliland-na ay ku jirto.

Tallaabadaasi oo uu sheegay in ay u arkaan mid iugu sawir ah, isla markaana ay sugayaan diyaarradihii ay ka codsadeen hay’adda USAID ee ay u soo kiraysay, una soo marisay hay’adda kale ee FOA.

Dhinaca kale wasiirka beeraha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii uu ku yimid qorshaha labadan diyaarradood iyo mudadda ay soo wadeen hawshaasi iyo cida laga soo kireeyay.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply