Xukuumadda Somaliland oo u digtay Diyaarada Soomaaliya Ayax ku buufinayso

0
491

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanu waxba ka khusayn qorshe dawladda Soomaaliya doonayso in ay Ayax buufin kaga samayso deegaamo kamida maamul-goboleedyada hoos yimaada.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Muumin oo jimcaha maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay Dawladda Somaliland diyaarisay qorshe ay kula dagaalamayso Ayaxa oo ay ka wada shaqaynayaan Hay’addo kamida Jimciyada quruumaha ka dhaxayso iyo Ururo kale oo caalami ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhawaan laba diyaaradood oo la dagaalama Ayaxu iman doonaan dalka, kuwaasoo howlgallo la xidhiidha la-dagaalanka dulinkaas ka fulin doona deegaamo mucayim ah.

Halkan ka Daawo:

Leave a Reply