Madaxweynaha Somaliland oo u Quus Gooyey Qiiro-ku-noosha Soomaaliya

0
614

Qore Cumar Maxamed Faarax

Hargeysa (Dawan) Inkasta oo Xannuunka Coronavirus uu hoos u dhigay munaasibadihii waaweynaa ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ugu dabaal-degi jirtay xuska 18ka May, haseyeeshee waxa Somaliland looga muuneeyey 29 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland si ka turjumaysa meeqaam qarannimo oo mucaarad iyo muxaafid loo dhan yahay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay dhaqan u tahay  inuu munaasibadaha noocan oo kale ah ku martiqaado madaxda Goleyaasha, xisbiyada qaranka iyo madaxdii hore ee dalka soo maamuli jiray; sida madaxweyne ku-xigeennadii hore, ayaa shalayna muujiyey sida ay Somaliland ugu middeysan tahay qarannimadeeda.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in 29kii  sannadood ee la soo dhaafay ay Somaliland ku xusayso   wada jir, wax-wada-qabsi, dimuqraadiyad iyo kala dambayn. Wuxuuna bayaamiyey inay marxalad kasta Somaliland kaga soo dabaalatay wadajir,taasi oo ah mid caalamku ku majeerto.

Madaxweyne Biixi waxa uu khudbadii uu jeediyey shacbiga Somaliland  ugu quusgooyey dawladda Shisheeyaha ku tiirsan ee Soomaaliya, taasi oo uu ku booriyey inay ka waantowdo dhallanteedka ay xaqiiqda indhaha kaga qarsanayso. Madaxweynuhu wuxuu ugu celiyey inay  Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal 30 Sanno ka hor xornimadiisii kala soo noqday Soomaaliya oo shacbigu kala kulmeen hungo iyo xasuuq.

Madaxweynuhu wuxuu u caddeeyey Xukuumadda Muqdisho in Qaddiyada madaxbannaanida Somaliland tahay lama taabtaan, waxaanu u iftiimiyey in lagu wada-hadli karo labadan qoddob midkood:

1. in labada dhinac yeeshaan Wada-hadal Caalami ah, oo la raacayo nidaamka Wadahadallada Caalamiga ah, oo ay goob-joog ka ahaadaan Dawlado iyo Hay’ado Caalami ah, laguna qabto fagaare Caalami ah iyo goob dhex-dhexaad ah, Natiijada ka soo baxda wada-hadalladaasina ay noqdaan sharci ay ilaaliso Bulshada Caalamku.

2. In arrinta Somaliland iyo Soomaaliya sharciga la mariyo (arbiteration/legal court) halkaasna ay ku kala baxaan labada dhinac.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in aanu wadahadal midhodhal ahi  imanayn ilaa inta Soomaaliya ay ka warwareegayso inay qirto inay Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo si ikhtiyaari ah iskugu biiray.

Dhinaca Gargaarka Madaxweynaha Somaliland  waxa uu nidar ku maray in aanay aqbali doonin  gargaar iyo deeq  la soo mariyo Soomaaliya oo ay rubuc qarni ka hor wax wada lahaan jireen. Haddana kala baxeen.

Michael Rubin oo ah xeel-dheere Millatari iyo aqoonyahan Maraykan ah ayaa hore isu barbar-dhigay baaxadda iyo dhererka dhulka ay ka kala taliyaan madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo uu tilmaamay inaanay shaqo isku laheyn isla markaana aanay isku duruuf ahayn.

Mr. Rubin wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka taliyo  dhul masaafadiisu dhan tahay 50.000 Mile oo laba jibaaran, halka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ka arrimiyo dhul bedkiisu gaadhayo 50.000 Feet oo ah inta uu ku yaalo  aqalka Villa Soomaaliya.

Haddaba, innagoo ogsoon in Soomaaliya ay muddo dheer aheyd  hormuudka dalalka guul darraystay ee caalamka waxa looga baahan yahay  inay Jamhuuriyadda Somaliland ka bartaan  sida dawladnimada gunta hoose looga soo dhiso iyo jidka loo maro hannaanka nabadeynta iyo hubka dhigista oo ay waayo-arag ku tahay.

Ugu dambeyn, Shacbiga Somaliland waxa ay sannad kasta cusboonaysiistaan niyadooda, waxaanay ku qanacsan yihiin qarannimadooda  xataa haddii aanay  aqoonsi helin muddo Boqol Sanno ah, waxana ay Soomaaliya u  arkaan cadow indho adag oo mar kale ku fashilmi doona dhagaraha Siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay u maleegayaan Somaliland.

cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply