Dawladdo Badan Oo Joojiyey Hubka Dalka Ukrain Lagu Sameeyo .

0
785

Wadamo badan ayaa joojiyey iibsiga hubka lagu sameeyo warshadaha  dalka Ukrain , kadib markii ay warshadahaasi lumiyeen awooddii ay kusoo saari jireen hubkaasi, kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen qalalaaseyaal tiro badan .

Wadamadii hore u iibsan jirey  hubkan lagu sameeyo  dalka Ukrain  iyo warshadaha ciidamada ee dalkaasi  ayaa joojiyey in ay iibsadaan hubkaasi, iyada oo wadamo badani ay waayeen qalabkii ay dib ugu dayactiri lahaayeen hubkaasi  ay hore uga iibsadeen warshadaha ciidamada iyo wasaaradda Difaaca ee dalka Ukrain.

Hubka ay warshadahani soo saaraan ayaa hore u ahaa hubkii ay soo saari jireen warshadihii Midawga Soofiyatii oo qaybo badan oo kamid ahi ku  ooli jireen wadankaasi gobolo kamid ah, iyada oo ay marar badan isku dayeen warshadahani in ay bedelaan hubka ay ka dhaxleen samayntiisa Midawgii Soofiyatii , gaar ahaana Taangiyada T-72, T-80  iyo T-84 , kuwaas oo ay tahli waayeen, isla markaana marar badan ka sameeyeen Koobiyo  markiiba waxyeelo kasoo gaadhey dalalkii iibsaday.

Wadamada joojiyey iibsiga hubkaas waxa kamid ah wadanka Jasaa’ir , waxaana lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda Difaaca Jasaa’ir in la joojiyey isticmaalka hubka lagu sameeyo dalka Ukrain, isla markaana qaybaha waqtigan ay ciidamadu gacanta ku hayaan lagu xerayn doono goobo loogu talo galay.

Dawladda Aljeeriya ayaa sidoo kale Ruushka la saxeexatay heshiis ay kaga iibsanayso  hub cusub oo u bedeli doona hubkan ay joojisay ee dalka Ukrain lagu samayn jiray.

 

 

 

 

 

Leave a Reply