Shirkadda Kalashnikoof Oo Diyaaraddii Ugu Horeysay Ee Ay Samayso Tijaabisay.

0
657

Shirkadda Ruushka ee Kalashnikoof oo hore caan ugu ahayd Hubka iyo qalabyadda kale ayaa soo saartay markii ugu horeysay diyaarad nooceedu cusub yahay, taas oo ay waqtigan marinayso tijabadeedii ugu horeysay.

Diyaaradan ay shirkadda Kalashnikoof samaysay ayaa lagu magacaabaa ZALA AERO, waana diyaarad loo sameeyey laba qaab, labadaas qaab oo kala ah in ay dhinac ka tahay diyaarad weyn oo xamuul, dhinaca kalena ka tahay diyaarad Helicopter ah, waxaanay awood u lee dahay in ay u kacdo sida diyaaraddaha caadiga ah , iyada oo gegida diyaaradda ordaysa, halka ay sidoo kalena awoodo in ay sida Helicopter-ta u kacdo.

Diyaaraddan oo waqtigan la filaayo in ay bilawdo Duulimaadyo tijaabo ah ayaa  awoodi karta in ay duusho  mudo laba saacadood ah oo xidhiidh , iyada oo 110 km/ saacadiiba socon karta , waxaana ku xidhan diyaaradan Kamarado si fudud loogula socon karo socdaalkeeda.

Warbixin kooban oo khubarrada shirkadda Kalashnikoof ay ku qoreen wargeyska The Mirror oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay  in diyaaraddani ay noqon doonto mid kamid ah diyaaraddaha loo adeegsan karo xamuulka iyo Drones-kaba , iyada oo waqtiyada ugu badan ay adeegsan doonaan ciidmaada Military-gu, isla markaana ay adeegsan karaan shacabka laftoodu, iyada oo loo adeegsanaayo  Gurmadka deg dega ah, Meelaha kaymaha ah, beeraha, Meelaha Gaasta iyo shidaalka laga qoddo.

 

 

Leave a Reply