Khasaaraha Dagaaladu Yay Dhacaan?!

0
436

Markii libaaxu ka dhergay hilibka Deeradii uu dilay, waxa hambadii  isugu yimi xayawaanada kale oo dhan waana la isku qabsaday kooxda hambada libaaxa xaqa u leh.  Muranka u weyni waxa uu dhex maray Waraabayaasha iyo dacawooyinka.

Markii lagu heshiin waayay waxay labada dhinac mid kasta diyaarasaday ciidankiisa, si ka adkaada u qaato hadhaaga hilibka Deerada. Dagaal qadhaadh ayaa dhex maray labada kooxood.

Markii dagaalku khasaare xun keenay ee dhimashadu hadh beeshay ayay wada hadal galeen iyo inay dagaalka joojiyaan. Waxaana la sameeyay guddi soo habaysa sida la isugu sii dayanayo maxaabiista dagaalka , soon tirisa dhimishada iyo khasaaraha kale ee kala gaadhay labada dhinac la la isugu magdhabo.

Waxaase yaab noqotay in khasaaraha labada dhinacba uu noqday Bakaylayaal, waraabayaasha iyo dacwooyinkun aanay waxba ku noqon. Bakaylaha aan hilibka cunin ayay labada dhinac isu adeegsadeen.

Leave a Reply