Timaha Ayaa Laga Xiiray Si Guriga U Joogo!

0
147

Nin u dhashay dalka Filibiin ayaa wakhtigan lagu soo rogay in guriga la joogo madaama xanuuno jiraan u taagi waayay wiilkiisa yar, kaasi oo mar kasta debedda u baxaya. Markii uu dhowr jeer u sheegay inuu guriga iska joogo ee uu maqli waayay ayuu aabuhu sameeyay arrin yaab leh.

Wiilka yar ayuu u yeedhay waxaana uu ka xiiray timihiisa qaybta dhexe, isagoo u eekaysiiyay sida qof bidaar leh. Wiilka ayaa foolxumada aabihii ku sameeyay la ooyay markii toddobaadkii hore laga soo qaaday sawirka.

Aaabaha ayaa isaguna wakhtigaasi ku dhoola cadaynayay, isagoo sawirka wiilku lagu baahiyay baraha bulshada ee dalkaasi lagana bixyay faalooyin taban iyo kuwo toganba. Aabaha ayaa qaaday talaabo uu wiilku ku ciqaabayo si uu guriga u joogo oo aanu uga bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here