Guri Hogaamiye Caan Ahaa Laga Dhigayo Saldhiga Booliis

0
371

Dowladda Austria ayaa sheegtay inguu uu ku dhashay Adolf Hitler loo bedeli doono saldhig booliis. Dhismahan oo muran xooggan uu ka dhashay sanadkii 2016 ayaa dawladda dalkaasi si khasab ah ku iibsatay.

Maamulka dalkaasi ayaa cadaysay in bisha Novemeber ee sanadkan gurigaasi gebi ahaantii la dhalan gediyi doono iyadoo qaab saldhig booliis loo dhisi doono. Waxaana uu sidaasi ku noqon doona saldhig booliis oo rasmi ah.

Shirkad kuwa dhismaha ayaa ku guulaysatay qandaraaska guriga, waxaana la sheegay inay dawladdu arinkan ku xakamaynayso booqashooyinka ay gurigan ku tegi jireen dadka taageera Naasigii Jarmalka. Shirkadda ka guulaystay tartamayaasha kale oo lagu magacaabo Marte ayaa ku qaadatay qandaraaska guriga lacag dhan $ 5 milyan oo doller.

Dhismaha guriga ayaa ku yaalla goob u dhow xadka kala qaybiya Jarmalka iyo Austeriya. Waxaana la sheegay in Hitler uu ku dhashay dabaqa ugu sareeya ee gurigan.

Leave a Reply