Ninkan oo u dhashay dalka Hindiya waa 68 jir , waxaana uu hawlgab ka galay shaqadii. Isla Markii uu hawlgabka noqday ayuu bilaabay inuu buuxiyo godadka wadooyinka, isagoo iskii hawshaasi u qabta. Waxaana wakhtigan ay ku naanaysaan dadku Dhakhtarka wadooyinka. Ninkan ayaa wakhtigan buuxiyay godad gaadhaya 1000 god.