Siraha Ku Qarsoon Maskaxda Ninka Iyo Dabeecadaha Ka Dhashay Ee Dumarku Aanay Jeclayn

0
963

Guud ahaanba abuurka aadamuhu waxa uu ka mid yahay calaamadaha tirada badan ee adduunkan dushiisa lagu arkayo ee ina tusaya awoodda, farshaxannimada iyo xikmadda Alle ee aanay maskaxda aadamuhu si dhayal ah u sawiran karayn, ama awooddeeduba aanay gaadhsiisnayn heer ay sawirato.

 

Qormadan maanta waxa ayu ku wadaagaynaa calaamado abuur ah oo maskaxda raggu ay kala gaar tahay tan dumarka, waxa aanay isugu jiraan kuwo togan iyo qaar taban. Macnuhu ma’aha in dabeecadahan la’aantoodu ay wanaagsan tahay ama xun tahay, waayo, labadaba waa ay noqon karaan ama dabeecad keliya ayaa wanaag iyo xumaanba yeelan karta, laakiin ujeedku waa keliya in ay ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarku. Dabeecadahan oo ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in ninku uu jecel yahay in uu ka qariyo gabadha waxaa ka mid ah:

 

 

 

– Xusuusta kulanka koowaad: Sida lagu ogaaday baadhitaanno ay khubarada cilmiga bulshadu sameeyeen, ninku inta badan malaha dareenka u fiirsiga muuqaallada iwm. Caadi ahaan gabadhu waxa ay xasuusataa dhammaan tafaasiisha habeenkii arooskeeda, laakiin waxa kale oo ay xasuusataa kulankii isugu horreeyey ee ay isugu yimaaddeen saygeeda, dharkii uu xidhnaa, sida uu qaabkiisu ula muuqday, xitaa waxa ay u dhowdahay in ay xasuusato cadarkii uu marsanaa.

 

Mushkiladdu waxa ay tahay maskaxda ninka oo aan abuur ahaanba diyaar u ahayn in ay tafaasiisha noocaas ah qabato. Laakiin waxa dhacda in gabadhu ay arrintaas u aragto dayacaad badheedh ah, si uu malahaas qaldan meesha uga saaro aanay xaaskiisu uga shakiyinna waxa uu mar kasta jilaa in uu xasuusan yahay wax kasta.

 

– Dhegeysiga: Abuur ahaan ayaa maskaxda ninku aanay u diyaarsanayn in ay hadalka u dhuuxdo sida dumarka oo kale. Cilmibaadhis hore loo sameeyey ayaa daahfurtay in gabadhu marka ay hadalka dhegeysanayso ay isticmaasho labadda qaybood ee maskaxda aadamuhu u qaybsanto, halka ninku u ka adeegsado keliya dhinaca bidixda oo ay khubarada saynisku caddeeyeen in ay luuqadaha qaabilsan tahay.

 

– Xamaasadda iyo Caadifadda: Raggu sida dumarka uma caadifad iyo xamaasad badna, waa dabeecad abuur ah oo maskaxdiisa xidhiidh la leh. Macnuhu ma’aha in aanu caadifad iyo xamaasad lahayn, laakiin waxaa laga hadlayaa marka la barbar dhigo gabadha, oo si sahal ah ugu calool dabacda, ula caadifadoota dhibta ay aragto, isla markaana xamaasad lagu yaqaanno.

 

– Deymada haweenka: Maskaxda ninka waa ay ku adag tahay in ay iska xakamayso deymada haweenka. Waana suurtogal in ay ka mid tahay sababaha ay diinta Islaamku ragga si gaar ah ugala dardaarantay deymada haweenka, kulana talisay in ay indhahooda hoos u laabaan. Waana dhaqan ay dumarka qudhoodu ku yaqaannaan ragga oo deymada koowaad ishoodu gabadha eegto, haddii aanu iimaan buuxinna ay u dhowdahay in uu cabbaar ku illaawo.

 

Ha u qaadan in ninku mar kasta jinsi ka fikirayo: Inta badan dumarku waxa ay ninka ka aaminsan yihiin in uu yahay noole ay maskaxdiisu mar kasta ka fikirto xidhiidho jinsi iyo dunida haweenka, xitaa ragga qaar ayaaba fikirkaas qaba, oo u haysta waxa uu ninku asalka horeba gabadh ka doonayaa in uu yahay  xidhiidh jinsi. Laakiin cid kastaaba ha aaminsanaato ee warkaas waxaa beeniyey khubarada cilmi nafsiga ee baadhitaannada cilmiga ah ku sameeyey. Baadhitaanno ay xeeldheerayaashu sameeyeen ayaa caddeeyey in sida dumarka oo kale uu ninkuna leeyahay shucuur iyo caadifad ku abuuran oo farta calool dabac, naxdin, oohin iyo dareenka bani’aadamnimo oo dhan, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku adkaysanayaan in ragga qalad laga fahmay oo aanay ahayn makhluuq gabadha waxa keliya ee ay ka doonayaan uu yahay ujeedo jinsi, waxase yaab leh in raggu ay shucuurtaas qarsadaan oo ay dumarka isaga yeelyeelaan qalbi adayg iyo in mar kasta ay jinsi doonayaan.

 

– U adkaysiga xanuunka: Waa run in dumarku ay adkaysi badan u leeyihiin xanuunka jidheed ee soo mara, tusaale fogna uma baahna oo umusha iyo foosha ayaa innagu filan. Waxase jira dareen dad badani qabaan oo ah in raggu aanay iyagu adkaysigaas oo kale lahayn. Laakiin baadhitaanno cilmiya oo kala duwan ayaa daahfuray in ragga ay dumarka ka adkaysi badan yihiin. Si kastaba ha ahaato ee ninku nafsiyan uma diyaar aha in uu gabadha u muujiyo in uu ka adkaysi badan yahay, dabeecadihiisana waxaa ka mid ah cabashada badan iyo in uu mar kasta daryeel gaar ah dalbado, taas ayaana ku kallifta in uu qarsado adkaysigiisa, si aanu u waayin xannaanada uu gabadha ka filayo.

 

– Shucuurta: Inta badan gabadhu shucuurteeda si dhaqso ah ayaa ay u muujisaa, farxaddeeda ma qarsan karto oo qosol iyo badh-badhaadh ayaan laga waayin, murugadana ilmada oo hoorta iyo calaacal kama dhammaado, tani waxa ay abuurtay in dad badani u qaataan in dareenkani uu dumarka uun u gaar yahay. Waxase uu cilmigu caddeeyey in ragga qudhoodu ay shucuurtaas oo kale leeyihiin, laakiin yaabkoodu uu yahay in ay qarsadaan, oo gaar ahaan ay gabadha ka qarsadaan sababta ay doonaanba ha uga qarsadeen ama ha isu tuseen in qarsigaasi uu muhiim yahay e’.

 

 

Yaa yidhi dumarka ayuun baa hadal badan?: Tan iyo dura, waxa ay quruunta kala duwan ee dunida soo martay isla dhex maraan in dumarku ay yihiin duul hadal dhacay, Soomaalidaaba malaha ka mid ah oo waa kuwa yidhi, “Rag waa Shaah, dumarna waa sheeko” laakiin in dumarku ay ka hadal badan yihiin ragga, cilmiga casriga ahi su’aal ayaa uu ka soo celiyey.

 

Cilmibaadhayaal kala duwan oo arrintan daraasado ku sameeyey ayaa ogaaday in raggu ay hadlaan in la mid ah ama aad ugu dhow inta ay dumarku hadlaan uun.

 

Diyaariye; Kamaal Marjaan

Leave a Reply