“Deegaanka wanaagiisa iyo ilaalintiisa nolosheena ayaa ku xidhan sanadkan”…

0
83

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa shaaciyay in ay ka go’an tahay xukuumadda sidii ay gacanta dawladda ugu soo celin lahaayeen dhawr iyo labaatan Seere-xiliyeed.

Seereyaashaasi oo xiliyadii dawladihii hore ay maamuli jireen ayaa gacanta dawladda Somaliland ka maqnaa muddo sodon sanadood ku dhaw, kuwaasoo ay qaarkood dad shacab ah beerro ka dhigteen.

Hase yeeshee agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, ayaa sheegay in ay qorsheyaasha wasaaradda ka mid tahay sidii gacanta dawladda loogu soo celi lahaa dhawr iyo labaatan Seere-xiliyeed oo goboladda dalka ku kala yaalla.

Waxaanu uga digay dadka beeraha ka dhigtay ama ootay meelihii Seereyaasha ahaan jiray in ay si dhakhso ah uga baxaan dhulkaasina uu yahay dhul dawladeed.

C/naasir Axmed Xirsi, waxa uu xusay  in ay hadda gacanta ku hayaan oo ay xidheen laba Seere-xiliyeed oo ku kala yaalla Ban-cawl oo gobolka Togdheer ah iyo mid kaloo ku yaalla gobolka Sool.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta deegaanka aduunka ee 5 bisha June oo   lagu qabtay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa.

Munaasibadaasi lagu xusayay maalinta deegaanka aduunka sanadkan 2020-ka oo ahayd mid kooban xanuunka aduunka ku fafay ee Corona virus awgeed.

Waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, sakaariil ka socday hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen UNDP, gef, iyo masuuliyiin kale.

C/naasir Axmed Xirsi, oo hadal ka jeediyay munaasibadii lagu xusayay maalinta deegaanka aduunka ayaa ka warbixinayay qorshaha wasaaradda ee lagu doonayo in lagu sameeyo Seereyaasha. Waxaanu digniin u diray dadyow uu sheegay in ay beerro ka dhigteen dhulkii Seereyaasha ahaa, isla markaana  dhulkaasi uu yahay dhul dawladeed.

Ugu horayn agaasimaha guud oo ka warbixinayay qiimaha ay bini’aadamka u leedahay ilaalinta deegaanka, waxa uu yidhi, “Deegaanka,  wanaagiisa iyo ilaalintiisa nolosheena ayaa ku xidhan. Sanadkan 2020-ka, waxaa loo qaatay Hal-ku-dhiga ilaalinta deegaanka, in la ilaaliyo noolaha kala duwan (Biodiversity).

Sidii loo ilaalin lahaa noolaha kala duwan ayaa hal-ku-dhiga sanadkan 2020-ka ee xuska maalinta deegaanka. Waxaa waajib ina wada saran ah, ilaalinta deegaanka aynu ku nool nahay. Haday tahay noolaha ku dul nool, haday tahay dhirta. Waayo? La’aantood nolosheenu na ma sii jiri doonto”.

Geesta kale C/naasir Axmed Xirsi, waxa uu ka hadlay qorshaha wasaaradda ee  ku aadan soo celinta Seereyaasha.  Waxaanu yidhi,  “Waxaa dalkeena ku yaala dhawr iyo labaatan Seere-xiliyeed, oo soo jiri jiray muddo dheer. Laakiin, intii danbe gacanta dawladda ka baxay.

Dawladda waxaa ka go’an in dhawr iyo labaatanka Seere-xiliyeed ba gacanta dawladda lagu soo celiyo. Dhamaanba cid kastoo ku dhex jirta ama beerro ka dhex samaysatay, ama isku dayday deegaamayn in ay ka dhex samaysato.

Waxaanu la socod siinaynaa in dhulkaasi yahay dhul dawladeed, oo Seereyaal dawladeed ah, sharci darro na ay yihiin wax kasta oo ay ka dhex sameeyaan, tallaabo sharci ahna laga qaadayo”.

C/naasir Axmed Xirsi, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibadan lagu xusayay maalinta deegaanka aduunka ayaa sheegay in hal-ku-dhega sanadkan loo qaatay xuska ay tahay ilaalinta noolaha kala duwan ee ku nool deegaanka ama dhulka guudkiisa.

Dhinaca kale waxaa isna xafladaasi  ka hadlay Maxamed Yuusuf Nuur, oo ka tirsan masuuliyiinta wasaaradda deegaanka Somaliland.

Waxaanu  sheegay in xuska maalinta deegaanka aduunka ay tahay maalin loo asteeyay in aduunku isku baraarujiyo bad-baadinta deegaanka, maadaama oo deegaanku nolosheenu ay si toos ah iyo si dad-ban ba ugu xidhan tahay.

Maxamed Yuusuf Nuur, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Maalinta deegaanka aduunku waxa weeye, maalin loo asteeyay in aduun weynuhu isku baraarujiayo bad-baadadda deegaanka. Maadaama oo deegaanka ay nolosheenu si toos ah iyo si dad-ban ba ay ugu tiirsan tahay”.

Cabdi Abokor, oo ka socday hay’adda UNDP oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in sababta uu ILLAAHAY SWT dhulka u balaadhiyay ay tahay in guud ahaanba noolaha kala duwani ay six or ah ugu noolaadaan.

Si ay noloshaasi xorta ah eu suurto gasho-na looga baahan yahay dadka in ay ilaaliyaan deegaanka, isla markaana ka ilaaliyaan wax kastoo dhaawac ama dhibaato u keenaya.

“Hal-ku dhega ay dunidu u qaadatay in sanadkan lagu xuso maalinta deegaanka aduunka ee 5 bisha June 2020-ka,  waxaa loo qaatay in ay noqoto NOOLAHA (Biodiversity). ILLAAHAY SWT wuxuu dhulka u fidyay oo uu u sameeyay nooluhu in ay ku noolaadaan, oo ay ku istareexaan.

Maadaama oo dhulka loo sameeyay noolaha guudkiisa ku nool, in dhulka ama deegaanka aynu ku nool nahay la ilaaliyo, la dhawro, isla markaana nolosha qof ibnu aadanka ah lagu bixiyo juhdi ilaalinteedda iyo wixii dhibaatadda u ku keenaya  laga ilaaliyo” ayuu yidhi Cabdi Abokor, oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda UNDP.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here