Mudaaharaadyadii ugu weynaa oo ka dhacay Mareykanka

0
510

Tobonaan kun oo qof ayaa  magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka ka dhigay mudaharaadkii ugu ballaadhnaa tan iyo intii ay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka ay ka billowdeen dibadbaxyada lagu dalbanayo dhameynta midab-takoorka iyo hab-dhaqanka aanan wanaagsaneyneyn ee ay hey’adaha amniga Mareykanku kula dhaqmaan dadka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay.

Bannaanbaxyada ayaa galay maalintoodii 12-aad tan iyo markii uu sarkaal booliis oo caddaan ah uu magaalada Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aanan hubeysneyn.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu yimid taallada caanka ah ee Lincoln Memorial, ka dibna socod ku maray Aqalka Cad iyo xarunta Koongareeska ee Capitol Hill.

Waxay ku qeylinayeen erayo ay ka mid ahaayeen “Gacmaheygu kor bey u taagan yihiin, ha i toogan!” “Bannaanbaxu waa rajjo, ee ma ahan naceyb,” iyo “Ma neefsan karo!”

Magaalooyinka kale ee ay bannaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa New York, Atlanta, Philadelphia, Chicago, Los Angeles, San Francisco, Boston iyo Miami.

Leave a Reply