Tirada Dadka Laga Helay Xanuunka Covid19 oo sii Kordhaysa

0
919

Hargeysa (Dawan) –Wasaaradda Horumrinta Caafimadka Somaliland ayaa ku dhawaaqday Kiisas cusub oo Cudurka Covid_19 ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Dad baadhitaan lagu sameeyay 48-kii Saacadood ee u dambeeyay Xanuunka laga helay lix iyo afartan ka mid ah halka laba qofna u geeriyoodeen Xanuunka.

Lix iyo afartan qofka ee laga helay Xanuunka ayaa tirada guud ee dadka uu gudaha Somaliland ku haleelay Xanuunku ka dhigaysa afar boqol iyo soddon qof, halka labada qof ee geeriyoodayna tirada dadka Xanuunkan ugu dhintay Gudaha Somaliland ka dhigaysa afar iyo labaatan qof.

 

Wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in xanuunka ay ka bogsadeen afar iyo lixdan qof oo ka mida afar boqol iyo soddonka qof ee cudurku haleelay .

 

Leave a Reply