Raxanraxan Geele oo Gobolka Sool ku Dhimanaaya

0
670

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa ka dayriyey xannuun uu sheegay in uu laynayo geela ku nool deegaanada gobolka Sool, oo neefka oo taagani ay naftu ka baxayso.

Xildhibaanku waxaa uu caddeeyay in uu goob joog u ahaa raqda Geel badan uu xannuunkaasi laayay, waxaanu wasaaradda xannaanada xoolaha iyo xukuumadda ugu baaqay in loo gurmado dadkaasi xoola dhaqata ah ee uu xoolahooda intii ka soo doogtay abaarta uu xannuunkaasi laynayo.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi  “Geela wixii abaarta ka soo doogay aadbay u dhimanayaan oo xannuun leynaya ayaa jira oo sida isu duwaha gobolka Soolna sheegay aniguna aan raqdoodii goob joog u wada ahaa oo lee’anaya oo sida uu neefku u taagan yahay un uu dhimannayo oo sida uu neefku isaga taagan yahay ay ka kogeyso xannuunkaasi ayaa jira.

Inkasta oo kooxo talaalka dhinaca xoolaha ahi ay jiraan hadana may xooganeyn lagumana baraarugsaneyn gaar ahaan xoolaha, marka waxaan xukuumadda leeyahay iyo wasaaradda xanaanada xoolahaba meeshaasi dhib weyn ayaa ka jirta oo xoolihii baaqigii soo hadhay madhinaya gobolada Sanaag ku qabsan, Soolna saameyn weyn ku yeeshay oo Sarar soo gaadhay oo qaybo ka mida gobolka Togdheerna soo gaadhay, marka goboladaasi bariga Geelu xoog ayuu u dhimanayaa marka arrintaasi wasaaradda xanaanada xoolaha iyo xukuumadduba aad hawgu baraarugaan”

Sawirka Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland, oo ka dayriyay xannuun geel badan ku laayay gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaada/xuquuqda sawirka wargeyska Dawan

 

Leave a Reply