Dawlad Dhulkeedu 7 Km Yahay!

0
521

Jamhuuriyadda xorta ah ee Liberland  waa dowlad madaxbanaan oo ku taala dhulka u dhexeeya dalalka Croatia iyo Serbia aagga galbeed ee wabiga Danube.  Khariidadaha qaarkood, deegaankan waxaa loo yaqaanaa “Gornja Siga”.

Dhulka Jamhuuriyadda aan la ictiraafin laga sameeyay waa dhul aanay sheegan labada dawladood midkoodna, ka dib marki uu muran ku dhex maray lahaanashaha aagagan. Iyadoo taasi jirta haddana labada dal midkoodna raali kama ah in halkaasi laga sameeyo dawlad gaar ah.

Libarland  waxay leedahay madaxweyne, laba madaxweyne ku xigeen iyo 5 wasiir. Waxa kale oo ay leedahay passport u gaar ah.

Dawladda ayaa sheegtay inay xaq u leedahay in la ictiraafo madaama ay buuxisay shuruudaha dawladnimo.  Waxaana ay soo qaataan qodobka 1aad ee heshiiskii caalmiga ah ee Montevideo ee cadaynaya xuquuqda iyo waajibaadka Dowladaha. Kaasi oo ah in la aqoonsado dawladda buuxisa qodobada ah : a) inuu jiro dhul ay xukunto.  b) inay jiraan dad rasmi ah oo dhulkaasi degen. c) inay ka jirto dawlad. d) Inay awood u leedahay inay xidhiidh iyo heshiisyo la geli karto dawladaha kale.

Kuwaasi oo ay sheegeen inay dhamaantood buuxiyeen. Inkasta oo ay taasi jirto haddana ma jirto dawlad keliya oo ictiraaftay Libarland. Dawladdani waxay ka mid tahay kuwa ugu dhulka yar dunida waxaana ay ka kooban tahay 7 km oo keliya, iyadoo sanadkii 2015 halkaasi laga sameeyay Libarland.

Leave a Reply