Guriga Iyo Gabadha Cagaaran!

0
470

Dunida waxa ku yaalla dhul badan oo cagaaran oo indhaha iyo qalbiyada dadka soo jiita, inkasta oo ay jirto dikhowga hawada ee aad looga cabanayo.

Dadka badankoodu waxa ay ka helaan midabka cagaarka ah, iyagoo ka hela degenaansho iyo farxad, waxaana dalxiisku ku badan yahay dhulka beeraha cagaaran, kaymaha cagaarka oo farxad badan laga helo.  Dhinaca kalena waxa jira dad si waali ah u jecel midabka cagaarka ah.

Gabadha lagu magacaabo Elizabeth Sweetheart oo degan Newyorka dalka Maraykanka ayaa noqotay in ay si waali ah u jeceshahay midabka cagaarka, sidaa darteeda meel kasta oo gurigeeda ka mid ah waxay ka dhigtay midabka cagaarka. Dharka ay xidhato , kabaha, timaheeda iyo shay kasta oo ay leedahay waa midabka cagaarka ah.

Intaasi keliya maaha gurigeeda albaabada, daaqadaha, sariirta, kuraasida, weelka  iyo waxa kasta ooyaalla waa midabka cagaarka ah. Shay kasta ooay u baahato waa inuu noqdaa midabka cagaarka ah. Waxaana ay tidhi “ Waan jecelahay midabka cagaarka , weligayna waan jeclaan doon”.

Leave a Reply