Goobtan Lagama Ogola Dhimashada

0
471

Dalka Ingiriiska waxa jira qaanuunka diidaya in aan qofna ku dhiman Karin xarunta golaha barlamanka gudihiisa. Arintan ayaa sabab looga dhigay iyadoo xaruntu ay tahay mid ku taalla qasriga boqortooyada sidaa awgeedna qof kasta oo ku dhinta qasriga ay dawladda waajib ku tahay inay u samayso aas qaran.

Qaanuunka ayaa dhigaya in dadka jooga midkood lagu arko calaamadaha xanuunka sida matag in markiib si degdeg ah looga saaro oo banaanka la geeyo. Haddii uu qof sidoo kalena hindhisana isagana waa in si degdeg ah la qaada oo la dhigaa debedda golaha, iyadoo laga shak qabo inuu dhintoba madaama xaaladiisa caadiga ah ay is bedeshay.

Dalka Hindiya waxa mamnuuca ah in qofna uu haysto hilibka lo’ada iyadoo bulshada Hinduuska ahi badankood ay caabudaan lo’ada awgeed. Waxaana dawladaa soo saartay in qofkii lagu qabto hilibka lo’ada la xidho 10 sano oo xadhiga ah.

Leave a Reply