Xukuumadda Somaliland oo raashin guddoonsiisay 20 kun oo Qoys

0
602

Hargeysa- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida heerka qaran ee Ka hortaga Xannuunka Covid-19 Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta deeq raashin ah oo loogu talo galay inay ka faa’iidaystaan (Laba Iyo Toban Kun, Sagaal Boqol iyo Toban Qoys) ka gudoomay guddida taakulaynta dadka uu saameeyay Xannuunka Coronavirus oo soo uruuriyey Deeqdaasi.

Sida ay ku waramayso Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna Taakuladan ayaa qorshuhu yahay in la gaadhsiiyo dadka reer Somaliland ee uu saamaynta ku yeeshay Xannuunka Covid-19 gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda dalka ee Hargaysa.

Wejigii Kowaad ee qaybinta raashinkan ayaa maanta lagu bilaabay Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyadda qur’aanka lagu barto ee caasimadda hargaysa.

Xubin ku hadlayay afka guddida ganacsatada iyo culimaa-udiinka ee deeqdan soo uruuriyey ayaa sheegay inay sharaf u tahay inay guddida heerka qaran ee ka hortaga Xannuunka Covid-19 ay ku wareejiyaan deeqdan raashinka ah oo wax weyn ka taraysa baahiyaha dadka uu saameeyay xannuunkani waxaanu mas’uulkani sheegay in markii uu Madaxweyne ku xigeenku magacaabay guddidooda oo laga joogo mudo sadex bilood ah ay u suurto gashay inay soo uruuriyaan Kaalmadan raashinka ah.

Mas’uulkan ku hadlayay afka guddida ganacsatada iyo Culimaa-udiinka ayaa intaas ku daray in Wejiga labaad ee hawshan ay Taakulo raashin ah ku gaadhsiin doonaan 20 Kun oo qoys kuwaas oo ku nool 21-ka degmo doorasho ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed isla markaana Xubin ka ah Guddida heerka qaran ee Ka hortaga Xannuunka Covid-19 ayaa u mahadnaqay Guud ahaan Ganacsatadii iyo Culimadii hawshan ka qayb qaadatay waxaanu xusay inay qaateen Kaalin waddani-nimo oo ku dayasho mudan, Wasiirku waxa uu bulshada u soo jeediyey inay ku daydaan dadaalka naf hurka ah ee ay ssameeyeen guddidan isugu jirta Ganacsatada iyo Culimadda ee soo uruuriyey deeqdan raashinka ah oo noqonaysa bilow wanaagsan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ah Gudoomiyaha Guddida heerka qaran ee Ka hortaga Xannuunka Covid-19 Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo gabo gabadii Munaasibadaas ka hadlay ayaa Mahadnaq balaadhan u diray Guddidii Ganacsatada iyo culimada isugu jirtay ee soo uruuriyey mudadii koobnayd ee ay Magacawnaayeen raashinkan ay ka faa’iidaysan doonaan Laba Iyo Toban Kun, Sagaal Boqol iyo Toban Qoys isla markaana wejiga labaad ee Taakuladan ay gaadhsiin doonaan 20 Kun oo Qoys.

Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici waxa uu Tilmaamay in markaasta oo iskaashi dhex maro dawlada iyo shacabka ay wax weyni qarankan u qabsoomaan, Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku intaas ku daray in Magaalooyinka kale ee dalka ay Guddidoodu gaadhsiisay Raashin loogu talo galay dadka uu saameeyay Xannuunka Covid-19 Kaas oo ay ka faa’iidaysteen dad ka badan Laba Iyo Afartan kun oo Qoys.

Leave a Reply