Michael Rubin oo Mar Kale ugu Baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis ka Furato Somaliland, waxaanu Naqdiyey Donald Yamamoto

0
399

Washington  (Dawan) Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Maraykan ah oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa  mar kale ugu baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo muhiim u ah Maraykanka.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay  warbixin uu Michael Rubin ku daabacay Wargeyska Washington Examiner, taas oo uu kaga hadlay wadahadalladii Jabuuti Toddobaadkii hore ku dhex maray Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Maraykanku kaalin ku lahaayeen.

Michael Rubin wuxuu si adag u naqdiyey Siyaasadda danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Donald Yamamoto oo uu ku sifeeyey mid si cad ula safan Soomaaliya oo muddo dheer isku dayey inuu go’doon dhaqaale geliyo Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu dhaqaalaha Maraykanku ugu deeqo Soomaalida  uu wada siiyo Dawladda Muqdisho oo Khabiirku ku tilmaamay mid ka talisa  dhul masaafadiisu  kooban tahay oo ku yaalla Muqdisho isla markaana 16 sannadood hormuud u ahayd  dalalka musuqmaasuqu  naafeeyey.

Aqoonyahankaasi wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay Waddan xor  ahaa oo tan iyo markii ay  1991kii madax-bannaanidooda  kala soo noqdeen  Soomaaliya, muddadaas dheerna  ku naaloonayey xasilooni iyo dimuqraadiyad.

Michael Rubin oo horena uga tirsanaan jiray   Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku wuxuu ku  boorriyey Dawladda Maraykanka inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furato xilligan  Xafiis diblomaasiyadeed sida ay ugu leedahay  xafiisyo  Waqooyiga Suuriya iyo Taiwan, waxaanu intaas ku daray in qunsuliyado kala duwan ay dalalka Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin Somaliland.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalalka Yurub qaarkood ay xafiisyo ku leeyihiin caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo aanay wax dhibaato nabadgelyadarro ahi ka jirin oo ay ka dhex shaqeyn karaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinaca  fal-dambiyeedyada ay aad uga hooseyso  kuwa ka dhaca Caasimadaha Yurub.

Leave a Reply