Madaxweye Ku-Xigeenka Somaliland Oo Burco Lagu Soo Dhaweeyay

0
453

Burco (Dawan): Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta safar shaqo ku tegay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waxaana weftiga madaxweyne ku-xigeenka soo dhaweeyay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, masuuliyiin iyo dadweyne qaybaha kala duwan bulshadda ah.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa safarkaasi ku wehelinaya wasiirrada waxbarashadda, shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda iyo masuuliyiin kale.

U jeedadda socdaalka wefti uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo ayaa la xidhiidha sidii ay dadweynaha magaaladda Burco ugala qayb geli lahaayeen xuska munaasibadda 26-ka June ee caawa, sida uu sheegay C/raxmaan Saylici, oo soo dhawaynta kadib halkaas ka hadlay.

Daawo: Soo Dhawaynta Weftiga Madaxweyne Ku-Xigeenka:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply