Ragga Oo La Ogaadey Inay Ka (Anti-Body) Badan Yihiin Dumarka.

0
527

Daraasad cusub oo ay dhowaan sameeyeen  khubarro ka tirsan khubarrada caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaadey in raggu ay ka Anti-Body badan yihiin Dumarka, waxaana daraasadan lagu sameeyey dhiig badan oo  laga qaaday dad ka bogsaday xanuunka Covid-19.

Khubarradan oo natiijo hor dhac ah oo ay ka sameeyeen daraasadan ku daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay  dad badani ku bogsadeen dhiigagii ay ka qaadeen dadkii uu ku dhacay xanuunka Covid-19 ee ka bogsaday, kuwaas oo waqtigan caafimaadkoodu aad u fiican yahay, waxaanay tilmaameen khubarradan caafimaad in ay ogaadeen intii ay hawlahan ku jireen in ragga Anti-Body-goodu uu ka badan yahay ka dumarka, isla markaana uu ka tarmi og yahay.

Khubarradan ka socotay Machadka Caafimaadka Ingiriiska ee BNHS ayaa tilmaamay in ay dad badan oo rag iyo dumarba isugu jira ka qaadeen dhiiga qaybta Plasma loo yaqaano, kuwaas oo ay ku talaalayeen dadka laga helo xanuunka Covid-19 iyo kuwa looga cabsi qaboba, iyada oo qofka lagu shubo dhiig nin uu markiiba jidhkiisu soo saaraayey Anti-body ka badan ka dumarka dhiigoodu soo saaraayo.

Muddo bil ka badan oo ay kooxdani qaybinaysay dhiigagan lagu deeqay , waxa ay sheegeen in 43% kamid ah dadkii laga qaaday Dhiigan oo Rag ahaa ay  soo saareen Anti-body fara badan, marka la dhigan dhigo 29% dumarkii laga qaaday ah oo iyagu aan tiro intaas le’eg ama u dhiganta aan soo saarin.

Professor David Roberts oo ka tirsan khubarrada Hay’addan caafimaad ee Ingiriiska ayaa sheegay in ay  dhiig kasta oo ay qaadaan eegayeen heerkiisa Anti Body-ga la socda, waxaanu tilmaamay in inta badan raggu ay lahaayeen Anti Body badan marka loo eego dumarka, taasina waxay keentay buu yidhi in  dad badan difaacoodu deg deg usoo kabto, iskana diaaco xanuunka.

Saacaddaha Yar Ee La Seexdo Hurdada Oo La Ogaadey Inay  Keeni Karaan Xanuuno Khatar Ah.

Leave a Reply