Mushiinada Lagu Qodo Beeraha Iyo Qaabka Loo Adeegsado

0
1034

Dhinaca kale ee qormadeenan waxaynu ku soo qaadan  doonaa adeegsiga haboon mishiinada beeraha lagu qodo. waxsoo saarka beeraha  waa barnaamij toddobaadle ah oo aad ka akhrisataan.Waxa jira wax loo yaqaan adeegsiga tamarta makiinadaha beeraha haday ahaani laheyd kuwo lagu carra gediyo iyo kuwo lagu falo markii uu soo baxo abuurka beerta.

Hadaan dib ujelecno makiinadaha beeraha  lagu falo ama qodo beeraha wadankeena Somaliland way kuyer yihiin si aad ah waxaa jira Hay’adda FOA ee beeraha iyo cuntada  uqaabilsan Qaramada midowey ayaa waxay keentaa marka qaar qalab loogu talagalay in loo qiibiyo beeralayda, qaar kamid ah gobolada dalka misna sidii larabay looma gaarsiinaayo dadkii loogu talagay  qalabkaas, waxaa kamid ah  qalabkaas matooro lagu waraabiyo beeraha iyo qalabkale ee loogu shaqeeyo beeraha. Dalkeena waqtigii hore wuu  lahaan jiray  laakiin hada majirto makiinado bilaash ah oo ay  kaafisan karaan  beeralayda danyarta ah. Dalkeena Somliland waa dal curdin ah oo soo koraaya dhaqaale aad u badana aan haysan markaa waa in ay beeralaydu beerahooda tabcadaan, wasaaradda beeruhuna ay sii xoojisaa gacan ka siinta hirgalinta tacabka ay beeralaydu ku hawlan yihiin xili walba.

Hadaba sida aynu soo sheegnay dadka badankooda hada way iska dhaafeen waxay wax kasugaan markasta hay’addo gar gaar  tankale dadkii beeralayda ah waxaa fican in labaraarujiyo in ay beerahooda fashaan lanasiyo tababaro kufilan si ay wax fican ugu soo saartaan  beerahooyda laguna dhiiragaliyo in ay isku tiirsanaadaan  iga aysan qofkale waxkasugin qofka markuu naftiisa kukalsoonaado ayuuna araan nafdoonda. Makiinadaha lagu falo beeraha waxaa lagu bixiyaa kharash aad u badan iyada oo beeralayda Soomaaliyeed aysan awoodin kharashkaas intooda badan .  Xooga makiinadaha iyo  kan sida Dibiga marka la is barbardhigo, qofka beeralayda ahi wuxuu u hari macaash halka uu deyn geli lahaa hadii uu si toos ah u isticmaalo makiinadaha cagaf cagafta iwm. Makiinadaha lacag farabadan oo toos ah ayey leeyihii kharashaas oo ka imaanayo iibka, dayactirka iyo shidaalka joogtada ah. Waxa hada kuyar dadkii aqoonta ulahaa beeraha oo badankooda kunool wadanka dibadiisa  dadkii kunoolahaa gudaha oo ihtimaam siinin beeraha oo kumshqulsan dhankale .

Isku dhafida bulshada waxay sababaysaa in dad markoodii hore xirfado kale duwan lahaa inay hadane aqoon taqasus iyo xirfad dheeraad ah wada helaan hadhowne qof walba fakarkiisa ku soo biiriyo goobta .

Ugu danbeytii waxaa leeyahay dadka soomaaliyeed waa in ay fashaan oo ay maalaan muruqooda ayna  dhaqdaan xoolahooda si ay ugu gudbaa dhibaatada nololeed ee markasta soo wajahada shacabka sooomaliyeed.Adan Cabdi Aqoonyahan Beeraha/Deegaanka

 

Leave a Reply