Wefti Wasiirro ah Oo Safar Shaqo Ku Tegay Laascaanood+Daawo Sawirro

0
439

Laascaanood (Dawan): Wefti isugu jira wasiirro iyo masuuliyiin kaloo xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa maanta gaadhay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaana weftiga hogaaminaya wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi, waxaana ka mida wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta, la taliyaha madaxweyne Biixi ee arrimaha bulshadda C/waaxid C/qaadir C/raxmaan.

U jeedadda socdaalka ay weftigan wasiirrada ah ku tegeen Laascaanood ayaa la xidhiidha sidii ay dadweynaha magaaladaasi ugala qayb geli lahaayeen lixdan guuradda ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadda ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska 26-kii bishii June ee sanadkii 1960-kii.

Weftigani markii ay gaadheen magaaladda Laascaanood waxaa halkaa ku soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, isud-duweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Sool, taliyaha qaybta ciidamadda booliska ee gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

 

Daawo: Hadaladii Wasiirrada iyo Badhasaabka Sool:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply