Madaxweynaha Muuse Biixi Muxu ku Sifeeyay Qodobka Is-dhexgalka Somaliland iyo Soomaaliya?

0
440

Hargeysa (Dawan)  — Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ka jeedinayay xuska 60-sano guurada ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland xorrinamada ka qaadatay, ayaa ka hadalay qodobka is dhexgalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sharaxay qodobkaas oo fasaxaya isu socodka ciyaaraha, waxbarashada iyo ganacsiga, waxa uu tilmaamay in ay ka reeban tahay siyaasadda kalinimada oo aan jiri doonin shaqsiyaad labada dhinac isaga kala gudba.

Madaxweyne Biixi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Is dhexgalka aan ku heshiinay maaha kan Siyaasadda oo ma ogalaan doono isu gudubka shaqsiyaadka, kaliya kooxaha ama dadka wada socda marka ay baxayaan waa ay in qaataan baasaboorka Somaliland, looguna dhuftaa Fiisaha, isma gaadeyno, waayo? iyagu waxa ay inoo yaqaanaan gobolada Waqooyi, innagana waxa aynu nidhaahnaa waanu madax bannaanahay”

Leave a Reply