Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo ka Hadlay Sannad Guurada 60-da ee Dalka

0
414

Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shacabweynaha Somaliland ugu tahniyadeeyey munaasibada lixdan guurada kasoo wareegtay markii ay xornimada ka qaadatay Dawladda UK .

 

“Waxa aan salaan, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shacabkayga Jamhuuriyadda Soomaalilaan, xuska munaasibadda 60-dan guurada 26-June 1960-kii markii aynu xornimada ka qaadannay Boqortooyada Ingiriiska kuna beegan maanta oo Jimce ah. Waxaa faan iyo taariikh inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaalida oo dhan u horseyday Xornimada.

Ilaahay-na waxa aan inooga baryayaa in sannadkan kiisa kale inagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku dhowro Shacabka Soomaalilaan adkaysiga iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen qarankooda ay halganka dheer u soo galeen, Dalkeenna Soomaalilaanna guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro ” ayuu yidhi

Leave a Reply