“Siyaasiyiinta Xamar  Tagey Ma soo Noqon karaan”Gudoomiye Baashe

0
539

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegey in siyaasiyiinta reer Somaliland ee Xamar qabtay ay kaliya ku iman karaan saamaxaad, balse aanay iska iman karrin.

Sidoo kale waxaa  uu tilmaamay in aan siyaasiyiintu isu socon karin oo uu xeer ka yaalo, ilaa xeerkaas inta laga baddelayana uu sidaasi ahaanayo.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Baayac mushtarigu waa ay isu socdaan laakiin siyaasiyiintu isuma soco karran oo xeerba ka yaal, xeerkaasi inta la baddelayana sidaasi ayuu ahaanayaa.

Isu socodka Soomaali ayaynu nahay waa aynu isu soconaa, imikaba Hargeysa waa ay joogaan, laakiin mihiimadda ugu weyni waxaa weeyi siyaasiyiinta Somaliland ka tagtay waxaa ay ku qoran yihiin sharciga inay khiyaameeyeen dalkoodi, saamaxaad ayay ku iman karraan mana iman karaan, ta ay ku iman karaan waxaa weeyi kuwa halkan ka tagay ee Xamar tagay in dib loo soo celiyo oo ay yidhaahan Borama ayaanu tageyna, Burco, Laascaanood, waxaaney imanayaan iyaga oo cafis weydiistay markaasi uunbay  soo noqon karraan”

Leave a Reply