Magaalo Aan La Ogolayn Caruur Ku Dhalata!

0
755

Tuulada Maafi Dova oo ku taalla koonfurta dalka Gaana ee qaarada Africa waxa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay 5 kun qof. Tuuladan ayay dadka deegaanku aaminsan yihiin inay tahay dhul barakaysan oo laga ilaaliyo arriimo badan oo ay denbi usoo jiidiya masiibo halaag ah.  Bulshada halkan degani waxay aaminsan yihiin caadooyin badan oo kala duwan. Waxaana ka mid ah in tuuladan ay mamnuuc ka tahay in hooyada uurka lihi ay ku umusho.

Wakhti ay hooyada uurka lihi dhowdahay ayaa deegaankan laga kexeyaa waxaana la geeya deegano kale,  kuman soo noqon karto tan iyo inta ay dhalayso. Dhamaan caruurta halkan ku nool midkoodna  kuma dhalna deegaanka Dova, waxaana ay aaminsan yihiin caado ah inay belaayo dhacayso haddii ay gabadhi ku umusho deegaankan.

Sida lagu daabacay  “Oddity Central” Mafi Dova waxa ka jira saddex caado oo qaynuun ahaan loo adeegsado kuwaasi oo aanay jirin cid jebin kartaa iyadoo qofkaasi uu qabayo in magalada masiibo ka dhacdo.  Arrimahaasi ayaa kala , in aan wax caruuri ku dhalan, iyo in dadka deegaanka Mafi Dova aanay ku dhaqan wax xoolo ah, laakiin haddii gawrac keliya loo keenayo waa la ogol yahay.

Waxa kale oo deegaankan aan laga ogolayn in qofka dhinta lagu aaso, iyadoo loo qaado deegaanada kale ee jaarka la ah oo lagu xabaalo.

Dadka deegaankan ayaa weedhahan u sheega wariyayaasha marka la weydiiyo sababta ay arrimahan yaabka leh ugu dhaqmayaan :” Markii awowayaashayo ay yimaadeen halkan, cod samada ka yimid ayaa ku yidhi: Haddii aad rabto inaad sii joogto deegaankan, waa dhul barakaysan ah waxaana ka jira sharciyo. Shuruucda ayaa ah, in aan qofna halkan ku dhalan, qofna  xayawaan ku dhaqan iyo in aan qofna lagu aasin halkaan” markaa fuli arrimahaasi haddii kale masiibooyin ayaa idinku dhacay.    Waxa kale oo jira haddii ay dhacdo in gabadhi si lama filaan ah ugu dhasho, waxa isu yimaadda odoyaasha deegaanka waxaana la qabtaa duco ballaadhan si looga badbaado masiibo.  Waxaana ay aaminsan yihiin in ilmaha halkan ku dhashaa uu noqonayo mid mansuukh ah, inkasta oo aan weli lag arag arinkaasi, oo caruurta ku dhashaan aanay ka duwanayn kuwa caadiga ah. Dumarka deegaankan ayaa iyaguna aad uga xun cadaadan waxaana ay codanayaan in dhaqankan adag la laalo oo meesha laga saaro weli arinkaasi lagama yeelin madaama ay tahay arrin xidhiidh leh aaminaad. Source (thisisafrica.me)

Leave a Reply