Maxamed Maxamuud Cige (Busi): Abwaankii koobsaday Tiirarka fanka oo hoyday

0
113

Qore. Saleeban Kalshaale

Magaalada Hargeysa, Xaabalaha Baqiic, waxa maalintii shalay oo Jimce ahayd si heer qaran ah loogu aasay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) Agaasime ku-xigeenkii Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland oo sidoo kalena ahaa Fannaan dhaqanka iyo bahda suugaanta ku soo jiray in ku dhow nus-qarni oo todobaadkii tegay maalintii Khamiista gelinkii dambe ku geeriyooday isla magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun uu muddo yar u jiifay oo looga sabab dhigay hooyashadiisa Aakhiro.

Aaska Marxuumka waxa ka qaybgalay xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo goleyaasha kale ee qaranka, Abwaano iyo boqolaal Dadweynaha, waxaana si weyn looga waramay kaalintii uu ku lahaa fanka iyo dhaqanka intii uu noolaa, taasoo ay ka warameen dadkii aqoonta iyo xidhiidhka khaaska ah lahaa.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa ku tilmaamay shakhsi umaddiisa u adeegayey afartan sannadood in ka badan, kuna geeriyooday isagoo dalkiisa u shaqaynaya.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Cali Waji iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, ayaa dhamaantood isku raacay in marxuumku ahaa masuul howl-karnimo, aqoon maadi iyo Diini iyo dadnimo isku darsaday.

“anigu Macalin baan u ahaa isagoo dugsiga hoose dhigta, wuxuu ahaa qof wanaagsna oo nadiif ah. wuxuu ahaa Nin firinfircoon”ayuu yidhi Maxamed Cali Waji oo ka waramay aqoonta uu u lahaa marxuumka.

Wasiirka Warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore ayaa isna sheegay “Shan iyo afartan sannadood in ka badan ayuu umadda u soo shaqaynayey oo uu ku jiray waxa loo yaqaano (Public Service) amma shaqada dadka loo qabto. wuxuu ahaa tiir kamida Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta. Maalintii dhaweyd ee 26 June, ayaanu u baahan cid booskiisii buuxisa oo aanu waynay”.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaranka ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka, waxaanu isagoo ku hadlaya magaciisa, ka qaranka iyo ka shacbiga Somaliland, uu dhambaal tacsi ah u diray, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Hal-abuur, Muusiishan, Heesaa Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi).

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay qaranka iyo bahda fanka & suugaanta, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka.

Alle Qabriga ha u nuuree, Marxuum Maxamed Cige Busi, waxa uu kamid ahaa fannaaniinta Somaliland ee fanka ka dhaxlay labada taariikhood iyo labadii qarni ee kala wareegay labaatan sannadood ka hor, taasoo uu kaga mid yahay Fannnaaniinta labada Qarni loo yaqaano.

Waxa uu ahaa shakhsi sida laga markhaati kacay ahaa howlkar buuxiya dhamaan kaalmaha Fanka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Mukhtaar Maxamed Cali oo ka waramay muddadii ay wasaaradda Warfaafinta wada joogeen ayaa tilmaamay “Maxamed wuxuu ahaa Nin dabeecadiisa iyo dhaqankiisuba wanaagsan yihiin, agaasimeyaasha ugu howlkarsan ayuu kamid ahaa. marxuumku wuxuu ahaa Heesaa, Mullaxan, Jilaa, Ciyaaraha Dhaqanka Nin Ciyaara, Muusiishan (Musicien). wuxuu ahaa Jookar meel kasta gala. wuxuu ahaa isku-duba ride aad u wanaagsan oo maamulka iyo abaabulka ku fiican”ayuu yidhi isagoo alle uga baryey in uu jannada ka waraabiyo.

Sooyaalka Taariikheed ee Fankii iyo Nololshii M.M Cige (Busi)

Haddaba akhristeyaal, innagoo qormadeena dhaqanka iyo Suugaanta ee todobaadkan iyo kuwa soo socdaba ku soo qaadan doona Taariikh nololeedka marxuum Maxamed Maxamuud Cige Busi oo sida aan kor ku xusnay fanka ku lahaa laba taariikhood oo kala ah;
Qarnigii tegay iyo tobannaankii sanno ee uu ka soo gaadhay xilligii uu fanka Soomaalidu ugu fiicnaa iyo kaalinta uu ilaa iminka ku lahaa fanka iyo suugaanta Somaliland.

Sidaasi darteed, ugu horayn Rabi ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamuud Cige busi waxa uu ku dhashay magaaladda Hargaysa sannadkii 1960kii. Waxbarashadiisii hoose iyo tii dhexe ku soo qaatay dugsiyada Bula-xaar, Rays iyo Axmed Guray, halka uu waxbarashada dugsiga sare ku qaatay Faarax Omaar ee magaalada Hargeysa.

Fanka waxa uu si rasmi ah ugu soo biiray sannadkii 1978 oo uu ilaa hada ku jiray, waxaanu iminka ahaa Agaasime ku-xigeenka Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, isagoo dhanka kalena ahaa macalin door weyn ku leh kor-u-qaadista Fanka iyo suugaanta dalka , doorkaasoo uu ku jiray tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday.

Xilliga uu ku biiray fanka ee taariikhda kor ku xusan, waxa uu ku biiray Kooxda Waaberi, waxaana loo qaatay dhinaca Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, iyadoo markii dambena xilli aan ka fogan wakhtiga uu fanka ku biiray kamid noqday Heesaaga iyo jileyaasha Kooxdii Waaberi. “Bil amaarah 18 ayaan ahaa markii aan fanka ku biiray” ayuu ku yidhi waraysi uu bixiyey sanado ka hor .

“waxaan Xoghayaha maamulka u ahaa Xaafada gacan-libaax, kolkaa fannaaniinta la saaxiib-baan ahaa, tiyaatarkuna wuu noo dhawaa, kaddibna sidaan iyaga ula fadhiyey ayaan hore ka raaacay” ayuu mar kale sheegay.

Marxuumku waxa uu sheegay in markii uu fanka ku biiray uu ka baxay dhinacii shaqada dawladda iyo xafiisyadii uu ka shaqaynayey, isagoo tilmaamay in xiisaha iyo jacaylka fanka uu u qabay hilowgoodii uu dhex geeyey fagaaraha dhaqanka iyo hidaha “Qoysku wax dhib ah umuu arag oo berigaa dadku way jeclaayeen dhaqanka iyo suugaanta”ayuu raaciyey mar uu ka hadlayey sida uu qoyskoodu u arkay markii uu dhex galay fanka.

Waxa u nasiib ahayd in Aabihii Maxamuud Cige uu nolosha ku oo gaadhay ilaa sanadkii 2013-kii oo uu geeriyooday, isla markaana ay Hooyadii nooshahay ilaa iminka alle Cimriga u daayee.

Bilowgiisii fanka iyo xaalada qoys marka aynu ka nimaadno, marxuumku wuxuu tumi jiray inta bada qaybaha Muusikada, sida Kamanka, Organka, Bowngaha, waxaanu sheegay in uu baray Nin dhintay oo la odhan jiray Alle Cabdiqaadir Muuse Dhibay “tumista Kamanka waxaan bilaabay 1984-kii”ayuu yidhi.

Sida uu ku sheegay barmaamujka lagu waraystay, waxa isku dhacay heestii u horaysay, laxankiisii u horeeyey ee uu sameeyo iyo codkii uu ku qaaday, waxaana heesta la yidhaahdaa Hodan, taasoo uu sameeyey Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo).

Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo kamida Odayaasha fanka Soomaalida, kaalmo badana ku lahaa dhinaca suugaanta ilaa lixdamaadkii ayaa Maxamed Maxamuud Cige (Busi), ku tilmaamay Nin Maskax furan oo shaqo kasta oo loo diro ka soo baxa, waxaanu intaasi ku daray “wuxuu dhalinyaradii ka dambeysay markii tiyaatarta la dhisay, wuxuu Nin bulshaawi ah oo wax wal oo looga baahdo qaban jiray. wuxuu ahaa Nin heesaya, ciyaaraya oo jilaa ah” ayuu u sheegay waraysi uu siiyey laanta Afka soomaaliga ee VOA-da.

Fannaanada Hibo Maxamed oo ay ka wada tirsanaayeen Hoobaladii Waaberi, ayaa iyaduna ku tilmaantay “wuxuu Nin bashaash ah oo ay aad isu jecel yihiin dadka ay wada shaqeeyaan. alle ha u naxariisto”ayey tidhi Hibo Nuura.

Marxuumku waxa uu ka qaybgalay Riwaayado badan oo caan ah, waxaana kamid ah kuwa loogu aqoon badan yahay Riwaayadii Masiibadu Adduunyada iyaddaa u macalin ah oo uu lahaa Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Genay), taasoo uu ku jiray koox fanaaniin ah oo lagu tilmaamo Jiilka labada qarni oo ay ku jiraan Cabdiqaadir Jubba iyo Hal-dhaa iyo xubno kale.

Waxa kale oo kamid ahaa tobanaanka riwaayadood ee uu jilaaga iyo heesaaga ka ahaa, Riwaayada ‘Abuur Waano la yaab’ oo kamid ahaa Jileyaasha safka amma xiddigaha hogaaminayey.

Abwaan Axmed Saleeban Bidde oo ah mid kamida tiirarka ka nool Udbihii Suugaanta Soomaalida dhidibada u taagay, ayaa sheegay ku tilmaamay marxuumka shakhsi kaalintiisa qof buuxin karaa uu dhif iyo naadir yahay. “Qoraalka wuu yaqaanay, fannaanbuu ahaa.

“1985 markii aanu ku soo celinay riwaayadii la odhan jiray ‘Alla aamin ma iisho’ oo aanu dhignay 1964-kii balse aanu ku soo celinay 16 sanno kaddib, ayaanu is baranay. tiyaatarka ayaan ku bartay wuxuu ahaa nin aad u firin-fircoon, Heesaabuu ahaa, Ciyaartooy ayuu ahaa, wuxuu Ninka u haysta Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, masuuliyaddo badan ayuu ka soo baxay”

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiyare) oo ay marxuumka in badan nololsha ollog ku ahaayeen, isla markaana waxbarashadii hoose dhexe ay soo wada qaateen, haatana uu u ahaa ku-xigeenka Agaasimaha waaxda Dhaqanka, ayaa ku sifeeyey ” wuxuu ahaa Nin wanaagsan oo howlkar ah. wuxuu ahaa Oday fanka ka baxay oo la tebi doono”ayuu u sheegay Dawan Isagoo ka tiiraanyeysan geerida marxuumka “alle ha u naxariisto”ayuu raaciyey.

Cabdi yare waxa uu xusay in marxuumku aanu marna ka daalin fanka tan iyo markii uu ku biiray “wuxuu ahaa Nin howsha uu gacan u qaado aan ka daalin ilaa ka gun gaadhayo.
Intii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay, heesaha caanka ah ee uu ku luuqeeyo waxa kamid ah heesta la yidhaahdo “Somaliland dalkayga”.

Heestan oo kamida heesaha Waddaniga ah ee loogu dhegeysi badan yahay, kuna luuqeeyaan isaga iyo fannaaniin kale oo u jiibinayaa, ayaa waxa ereyadeeda kamida;
Somaliland dalkayga
Midku waa midkii
Ingiriiska diray
Midku waa mid qudha
Iyo Ul iyo diirkeed
Dadku waa Islaam
Aan Cidi doorin karin
Dusha waxa u sudhan
Calan aan degayn
Calan aan degayn..

Geesta kale, marxuumku waxa uu qaaday, laxanka saaray amma curiyey heeso badan oo dhegaha bulshada in badan ku soo noqnoqday, waxaana xusid mudan in uu baal dahab ah ku lahaa fanka soddonkii sannadood ee ay Somaliland jirtay, isla markaana aanu maqnayn gole madadaalo iyo suugaaneed oo qaran taariikhdasi.

Mid kamida heesaha uu laxanka saaray ee lagu xasuusto laxansamaantiisa iyo sida uu ugu xeel-dheeraa waxan ku soo qaadan doonaa heesta loo isticmaaalo baroor-diiqda geerida culus ee qaranka ku timaada oo sida la xaqiiqsan yahay loo sameeyey alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Tafaftire ku-xigeenka Dawan Media Faysal Xiis Weerar oo goob-joog u ahaa markii heestaasi la samaynayey ayaa ku waramay sidan “waxaan xusuustaa maalintii uu geeriyooday alle ha naxariistee madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahayd 3-dii bishii May 2002, kaddib afartii bisha ayaanu isugu nimi annagoo ah fannaaniintii xarunta Radio Hargeysa. dabadeedna waanu ka soo tagnay oo waxa laysugu yimi hoolka Hay’adda shaqaalaha.

hoolka shirarka ee Hay’adda shaqaalaha intaanan fadhiisan ayuu heestii Baroor-diiqda sameeyey Axmed Saleeban Bidde Baydkii koowaad, dabadeed qoraalkii heesta oo wali socda ayuu Marxuum Maxamed Maxamuud Cige (Busi) igu yidhi heesta baydkii hore ii dhiib, kaddibna waxaan u dhiibay Baydkii koowaad ee heesta, intaan Baydka labaad qoraynayna wuxuu dhamaystiray Laxankeedii iyo Muusigeedii. Abwaan Axmed Saleeban Heesta midhaheeda markii uu dhameeyey Maxamed Busina laxankeedii iyo codkeediiba wuu dhameeyey, in yar kaddibna wuxuu xafidsiiyey fannaaniintii qaadaysay, isla habeenkiibana way baaxday.”ayuu yidhi Faysal.
Inaguna maanta isaga ayeynu leenahay “geesi naga dhashoo guul siduu ahaa. godka lagu janee”.

Akhristeyaal anigoo ka cudur-daaraya in aanan qormo iyo laba toona ku soo koobi karin, shakhsiyadii iyo sooyaalkii fanneed ee Maxamed Maxamuud Cige (Busi), waxaan qormada todobaadkan ku soo gebagebaynayaa wixii uu tartan iyo tafiir kaga tegay Ifka.

Sidaasi darteed, alle ha u naxariistee marxuumku waxa uu Ifka kaga tegay 18 Ubad ah oo ay kala dhaleen saddex Xaas, iyadoo marka lagu daro tafiirta Ubadkiisa uu ka tegay qoys tiradiisu ka badan tahay dhowr labaatan qof oo reer Busi ah.
Inaa lilaahi wa inaa Ilaahi raajucuun
La soco qormooyinka dambe iyo Taariikhda suugaaneed marxuumka

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Email: curad1986@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here