Tijaabi , Waad Guulaysane!

0
551

Asaasaha shirkadda Fedex  (Federal Express)  Mr. Fred Smith markii uu jaamacadda  sanadkii ugu danbeeyay ku jiray macalinkiisu ka codsaday  inuu soo diyaariyo mashruuc ka mid ah kuwo uu ku riyoonayo.

Smith ayaa macalinka markiiba usoo gudbiyay fikradda mashruuca ah “ Shirkadda alaabooyinka dunida u kala qaada oo ku gaadhsiisa goob kasta laba maalmod iyo wax ka yar”.

Laakiin maclinka ayaa mashruucaasi ku tilmamay mid faashil ah oo aan suurtagal ahayn waxaana uu ku siiyay derejada ah “Aqbal keliya”. Laakiin wuxu u sheegay inuu siin doono derejo wanaagsan haddii mashruuc kan ka fiican uu keeno. Smith isla weedhahaasi ayaa ku dhaliyay inuu riyadiisa kaga dhabeeyo.

Markii uu Jaamacadda ka qalin jebiyay wuxu bilaabay mashruuca rarida iyo gaadhsiinta alaabooyinka ,isagoo ku bilaabay waxa yar, laakiin bilowgii khasaare ayu galay iyadoo weliba dadkuna ay ku dheeldheel jireen shaqadiisa cusub.

Smith qofna ma dhegaysan waana uu iska watay hawshiisa, wuxu ku bixiyay dadaal badan ilaa ay noqotay shirkadiisu kuwa ugu waaweyn ee hawshaasi rarida iyo gaadhsiinta dunida ka haysa.

Wakhtigana gaadiidkiisa dhulka, dayuuradihiisa iyo Markaabtiisu ayaa meel kasta iyo dacal kasta oo dunida mushaaxaya iyagoo gaadhsiiinaya kana soo qaadaya Alaabo kala duwan.

Taariikhdu may xusin macalinkaa ardayga miskiinka ah siiyay qiimaynta liidata ee niyad jabka ku riday, laakiin waxay qaadaa dhigtay adkaysiga iyo niyadda adag ee ardaygaasi la yimi. Waxaana laga qoray xikamadihiisa “ Ilaali riyaadaada oo ku sabir waxay noqon doontaa mid dhab ah”

 

 

Leave a Reply