Midnimada Iyo Kala Go’a Dalalka Dunida!

0
682

Taariikhda dunida wixii ka danbeeyay sanadkii 1990kii , waxa soo baxay aragtiyo muujinaya in dunidu ay ka daashay siyaasad wadaaga aan lagu wada qancin cadalaadiisa.

Midowgii Soviet oo ah dawladii xooga ahayd ee quwada ciidan iyo dhaqaale u dhigmaysa galbeedka oo ka koobanyd 15 dal ayaa burburay sanadkii 1990, iyadoo noqotay shar laga tebay dunida ka dib markii awoodii dhinac u ciirtay.

Dal weynihii Youglavia ayaa isna burburay waxaana uu noqday 6 dal oo kala madax banaan.

Sanadkii 1993 Dawladi Chokoslavakai ayaa laba dal kala noqotay oo ah Jamhuuriyadda Check iyo Solvenia. Sanadkii 2006 dalka Serbia oo ka go’ay Yogoslavia ayaa haddana usii kala jabay laba dal oo kala ah Serbia iyo Montenegro.

Dhinaca Asiyana Sannadkii 2002 waxa kala baxay Indonesia iyo East Timor. Dhinaca Afrika, dalka South Africa iyo Nambia ayaa laba dal kala noqday 1990,  Ethiopia iyo Erateri ayaa iyana midnimadoodu burburtay 1991.

 

Sanadkii 2011 dalweynihii Suudan ayaa laba dal oo kala madax banaan u kala jabay. Ingiriiiska ayaa isaguna iska baxay midowga Yurub oo ah kan dunida ugu weyn dhaqaala ahaana ugu balaadhan. Dalalkaasi waxa dhamaantood burburinaya midnimadooda waa dhaqaalaha iyo siyaasadda oo aan si loo wada arkayn mid kastaana dantiisa u arko inuu gooni isu taago. Waxa kale oo iyana mucjiso ah in dalalkaasi badankoodu isku luqad, diin iyo xata dhul wadaagaan.

Intii midnimada dalalkaasi burburaysay dunida guud ahaan labada Yamanood oo keliya ayaa midoobay sanadkii 1990,  kuwaasi oo iyana maanta badweynta muranka iyo qalaalsaha ku hafanaya, kana mid ah shanta dal ee dunida ugu dhibaatada badan.

 

 

 

Leave a Reply