Cuntada Badda oo Aadamaha u Horseeda Cimri Dherer

0
590

Daraasad cusub oo ay dhowaan soo saareen culimo ka socotay jaamacaddo kala duwan ayaa lagu sheegay in cuntada baddu dheerayso cumriga,sidoo kalena dadka cunaa ay ka badbaadaan inta badan xanuunada wadnaha iyo beerka ku dhaca.

Dadka cuntadan cuna ayaa la sheegay inay ka cimri dheer yihiin dadka kale ee aan cunin cuntadaas iyo kuwa u dhigma intaba,waxaana natiijada daraasadan lagu soo saaray jaamacadda Harvard University oo ay ka socdeen inta ugu badan madaxda daraasadan ka qayb gelaysay,sidoo kalena laabkeedu ahaa ka lagu baadhaayey .

Jaamacaddan ayaa qaybteeda caafimaadku tahay mid samaysa daraasaadka caafimaadka ,taas oo tii ugu dambaysay tana ka horaysay lagu sheegay in dadka reer Maraykanka ay dhibaato kala kulmaan xanuunada wadnaha, kuwaasoo ay xanuunkaasi la nool yihiin saddex kun oo qof,kuwaas oo da’ahaan gaadhaaya 65 sanno jir iyo in ka badan.

Daraasadan ayaa lagu tijaabinaayey lana baadhaayey caabiga dhiiga,sidoo kalena lagu diwaan gelinaayey xanuunada wadnaha iyo sidoo kalena xididada dhiiga qaada iyo waxyaalaha dhimashada sababa,kuwaas oo inta badan la eegaayey dadka lagu samaynayaa cuntada ay cunaan.

Kooxdan ayaa laba qaybood u kala qaybisay dadka daraasadan samaynaayey iyo kuwa tusaalaha loo soo qaadanaayey,iyada oo qaar kamid ahi ay ahaayeen kuwo cunto ahaan jecel cuntada badda ,halka ay kuwa labaadna ahaayeen cuntooyinka kale ee aanay ku jirin cuntada badda laga

helaa,waxaana la eegaayey dhinaca da’da iyo intay noolaan karaan oo waalidkood laga qiyaas qaadanaayey,sidoo kalena waxa la eegaayey xanuunada wadnaha iyo sidoo kale xididada wadnaha ,iyada oo kooxdii kale laga helay xanuuno kala duwan ,kuwaas oo qaarkood ay waalidkood lahaayeen.

 Khubaradan ayaa sheegay inay fidin doonaan soona daabici doonaan daraasadan ,iyaga oo sheegay in cunitaanka kaluunka oo si joogto ah loo cuno ay tahay caafimaad ,waxaanay sheegeen in waxyaalaha u dhexeeya kaluunka nooca la yidhaahdo baruur ayuu lee yahay iyo ka aan lahayn inay yihiin kuwo kala duwan,gaar ahaana ay caafimad ahaan kala duwan yihiin,gaar ahaana caafimaadka Wadnaha iyo xididada dhiiga inay u kala wanaagsan yihiin.

Khubaradan ayaa ugu dambayn soo jeediyey in aan loo baahnayn in maalinle loo cuno cuntada badda,laakin loo baahan yahay in anaay ka maqnaan cuntadaada toddobaadkii.

Leave a Reply