Sucuudiga oo Somaliland ka Fulinaya Mashruuc ay ku Baxayso $2 Milyan oo Doolar

0
391

Hay’adda King Salmaan ee gargaarka iyo bini’aadannimada ee dalka Sucuudiga, ayaa qalinka ku duugtay mashruuc biyaha iyo fayodhawrka deegaanka la xidhiidha oo laga fulinayo Jamhuuriyadda Somaliland.kaasi oo ay soo marisay Hay’adda NRC ee laga leeyahay Norway.

Sidaasna waxa maanta daabacday Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo xigatay, waxana mashruucaas oo ay ku baxayso 2 Milyan oo Doolar, la weriyey inay ka faa’iidaysan doonaan dad gaadhaya 42,450 oo qof.

Hay’adda King Salmaan, waxa ay intaas ku dartay inay uga gol leedahay sidii loo yareyn lahaa xannuunada laga qaado biyaha aan ajoobay.

Wakaaladda Wararka ee SPA, waxa ay sheegtay in mashruucani qayb ka yahay wax ka qabashada COVID 19 iyo ballaadhinta dedaalka bini’aadannimo ee ay Boqortooyada Sucuudigu ku taageerto dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Leave a Reply