Derbi Jiifka Caalamka Ugu Xaraga Badan!

0
544

Uma baahnid inaad maalqabeen noqotid si aad bulshada caan uga dhex noqotid ugana muuqatida. Slavik, oo ah nin 55 jir , oo miyir-qaba isla markaana ku nool magaalada Lviv, ee dalka  Ukraine, ayaa derbi jiif xarago badan.

In kasta oo aanu lahayn guri uu u hoyado, haddana Slavik waxa uu horumar ka gaadhay dhinaca dharka iyo xaragada taasi oo dareenkiisa shakhsiyeed ku xidhan.  Maalintii laba jeer ayuu dhar kala duwan xidhaan , gelinka hore iyo ka danbe. Weligiis laguma arag dhar isku mid ah oo uu xidhan yahay labada gelinba, ama maalmo isku xiga.

Muuqaalkiisa cajiibka ah ayaa soo jiitay sawir qaade  Mr.Yurko Dyachyshyn, oo isguna dalkaasi u dhashay , waxaana uu ka qaaday 100 sawir oo kala duwan, isagoo mid kasta ku siiyay 60 pens

Ma jirin qof waxbadan nolosha derbi jiifka Slavik, laakiin sawir qaadaha ayaa muujiyay sida joogtada ah ee u bedelo lebiskiisa, timihiisa iyo weliba gadhkiisa. Waxaana uu sheegay sawirqaade inuu ninkani yahay derbi jiifka ugu xarago badan caalamka.

Sida lagu daabacay  “mirror.co.uk” ee dalka Ingiriiksa Sawir qaadaha ayaa yidhi : “ Isagu waa derbi jiif laakiin ma ah ay ka muuqato,”  hab nololeedkiisu  wuu ka duwan yahay  derbi jiifka kale.  Waxa uu leeyahay goob yar oo uu hoydo,waana uu qariyaa sirta gurigiisa. Sawir qaade Mr.Dyachyshyn waxa uu sawirada derbi jiifka ku soo bandhigay filimka Ben Stiller, Zoolander – iyadoo loogu magac daray moodada xaraga Slaikiki “Fashion Slavik’s Fashion”.  Laakiin sawir qaade Dyachyshyn weligii ma soo bandhigin halka uu Slavik ka helay dharka Derbi jiifkani xaragada badani.   Source : (mirror.co.uk)

Leave a Reply