Nadaafadda Ayaa Ka Dhigtay Goob Dalxiis!

0
577

Dalka Hindiya intiisa badan waa meel xashiishku ku badan yahay laakiin  tuulada Mawlynnong, oo ku taal waqooyi-bari ee dalka Hindiya, waxa ay soo jiidataa dad badan oo dalxiisayaal ah kuwaasi oo xiisaynaya nadaafadda, iyo jardiinooyinka quruxda badan ee magaalada.

Dadka degan magaaladan oo lagu qiyaaso 500  oo qoys ayaa ku go’aan ku gaadhay inay magaaladooda nadaafadeeda ka sheqeeyan oo xil iska saaraan, waana iyaga kuwa xashiishka ka nadiifiya, ubax ku beera, oo u sameeya jardiinoynka quruxda badan.  Arinkaasi ayaa soo jiitay dalxiisyaasha kuwaasi oo ay magaalada ay  ka soo gasho  dakhli.

Magaaladan ayaa caan noqotay  markii warbaahintu ogoaatay sida wadajirka ah ee dadka degani ay nadaafadda uga wada sheqeeyaan iyagoo caruurta da’ada dhexe ilaa dadka waaweyni ay  subaxda hore inta shaqada iyo dugsiyada la tegin ay ku nadiifiyaan magaalada.  Magaaladan laguma arko wax qashin iyo xashiish ah, waxaana ay noqotay magaalada ugu nadaafadda badan dalalka Aasiya.

Dalka Hindiya magaalooyinka  waaweyn sida caasimadda Delhi, Mumbai iyo Kolkata ayaa qashinku is buuxiyay.  Iyadoo dawladuna ku amaantay nadaafadda iyo qurxinta ay dadka deegankan la yimaadeen.

Leave a Reply