Duqa Degmada Gabiley oo Digniin kama Danbeyna ka Soo Saaray…

0
598

Gabiley (Dawan) Duqa degmadda Gabiley mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi, ayaa digniin ka soo saaray xoolaha lagu dhaqdo gudaha magaalada Gabiley, kuwaasi oo uu sheegay in la mabnuucay in suuqa lagu arko laga bilaabo 15/8/2020.

Maxamed Amiin waxaa uu sheegay in qofkii xoolaha uu isagu dhaqdo ku soo daaya suuqa sida Riyaha oo kale, in ay si toosa ula wareegi doonto dowlada hoose ee degmada Gabiley.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili horumar dhinacyo kala duwana laga sameeyay gudaha magaalada Gabiley, iyada oo waddooyinka halbowlayaasha u ah magaalada Gabilay lagu beeray dhirta indhaha soo jiita noocyadooda kala duwan.

Leave a Reply