Hay’adda Qaxoontiga oo lasoo Marin doono Mucaawinooyinka

0
613

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxmed (Xinif), ayaa sheegay in cidii mucaawinooyin soo qaada, isla markaana soo marisa hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka in ay u qoondeeyeen in la siiyo saami looga jaraayo wixii mucaawinooyin ah ee ay keenaan.

Cabdikariin Axmed Maxmed (Xinif) wuxuu sheegay in arrintaas xukuumadda Somaliland uga gol-leedahay sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka danyarta ah ee ku jira kaamamka barakacayaasha ee dalka, waxaanu intaas ku daray in cid kasta oo keenta deeq loogu talo galay dadkaas danyarta ah ay soo marin doonaan hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka si loola qorsheeyo deeqdaas iyo cida la gaadhsiiyano.

Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay dad ajaanib oo ka yimi qaar ka mida dalalka carabta, kuwaas mudooyinkii u dambeeyay ku soo badnaayay magaalooyinka Somaliland, wxaanuu xusay in dadkaasi ay ka soo yaaceen colaado ka socda dalalkoodii, isla markaana Somaliland u yimaadeen si ay nabad ugu noolaadaan.

Gudoomiye Xinif wuxuu intaas ku daray in dadkaas qaarkood ay ka dawarsadaan suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, badidoodna ay yihiin dad aan ogolaansho ka haysan Somaliland, balse dantu ku qasabtay inay guryahoodii colaad uga soo cararaan.

Gudoomiyuhu wuxuu dadkaas u soo jeediyay inay soo maraan hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, si ay uga helaan ogolaanshihii ay dalka ku joogi lahaayeen sifo qaxoontinimo.

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), waxa uu dadka reer Somalilad u soo jeediyay inay dadkaas intii itaalkooda ah caawiyaan, maadaama oo ay ka soo qaxeen colaadaha ka socda dalalkoodii.

Leave a Reply